Mudane Saylici oo Sheegay in ay Xukuumaddu Fulinayso Go’aamada Nabadda Ceel Afweyn

0
263

Ceel Afweyn (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’antahay fulinta go’aamadda ka soo baxay shirkii nabadaynta beelaha walaalaha ah ee deegaanka Ceel Afweyn ay dirirtu ku dhex martay oo ay ergo culimo iyo madaxdhaqameed ka koobani ay gacanta ku hayeen. isla markaana gogol nabadeed oo ay colaadda labada beelood ku soo af-jarayaan ay u fadhiyeen muddo dhawr todobaad ah.

Ergada dhex dhexaadinta oo shalay ku dhawaaqay go’aamadii laga gaadhay nabadaynta labada beelood iyo soo af-jaridda colaadda beelahaaas, oo uu goob joog u ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayuu sheegay in jawigii manta (shalay) ee deegaanka Ceel Afweyn iyo jawigii hore ee ay maalmihii hore ka arkeen in ay laba aad u kala duwan ay ahaayeen.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in bulshada ku dhaqan deegaankaasi ay si wayn u soo dhaweeyeen go’aamadaasi ay soo saareen ergada nabadaynta deegaanka Ceel Afweyn, waxaanu sheegay in dadweynaha deegaanku ay ay nabadda aad ugu oommanaayeen isla markaana aad u soo dhaweeyeen.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in la isla qaatay in maanta (shalay) loo kala qaado labada beelood ee walaalaha ah ee deegaankaasi ku dasgaalamay, dadkii ku kala dhintay aaskoodii oo min kun doollar ah iyo in hubkii ay kala qabsadeen loo kala celiyo.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo waraysi gaar ah khadka faleefanka ku siiyay wargayska Dawan, isaga oo jooga Ceel Afweyn, ayaa ugu horrayn isaga oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida uu u fulayo go’aanka nabadeed iyo qodobada laga soo saaray shirka Ceel Afweyn, waxa uu yidhi, “Qodobada fulintoodu way hir gelayaan, dawladda ayaana u xil saran, imikana waxaa loo kala qaadayaa intii ku kala dhimatay aaskoodii oo min kun doollar ah iyo hubkii ay kala qabsadeen.
Xukuummaddu waajibkeeda ayay qabsanaysaa, waxaana loo baahan yahay in nabad gelyada laga wada shaqeeyo oo inanka iyo inanta Ceel Afweyn ku nool iyo deegaanada u dhawiba in ay helaan nabad gelyo ay wax ku bartaan oo ay ku noolaadaan. Maantaba waxaa deegaanka ka muuqday jawi nabadeed oo dadweynuhu aad ayay u soo dhaweeyeen qodobada ka soo baxay iyo go’aamada la gaadhay.”
Madaxweyne ku xigeenka oo la waydiiyay waxa uga qorshaysan ka Xukuumad ahaan ciddii burisa qodobada la soo saaray, ayaa ku jawaabay. “Waxaa la isla qaatay ciddii qodobadaa jebisa in gacan la wada saaro iyo in qofkii wax geysta aan dabada la gelin oo aanu reer noqon ee la soo qabto,dhibaatada ugu weyni waxay ahayd in qofka wax geystaa uu reer dabada gelinayay taana waxaa la iska qaatay in dambi qfka gala oo keliya uu ku koobnaado oo aan reer loo arag ee kelidii uu leeyahay masuuliyadda dambiga uu galo laguna qaado.”
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay md Saylici “Maantaba deegaanku sidii hore wuu ka duwanaa oo deegaankii dhul daaqsimeedka ahaa waa la wada daaqayay.dadkiina yididiilo nabadeed ayay ku naaloolanayeen waxaana la mamnuucay samaynta deegaamayn cusub iyo in dhul daaqsimeedka iyo dhul biyoodka la kala sheegto ALLENA waxaan ka baryaynaa in colaaddaa uu naba dinnoogu bedelo deegaankuna guud ahaan waa barwaaqo oo xaalad abaareer kama jirto colaadduna Insha ALLAH sidaas ayay innagaga dhammaanaysaa.”

Leave a Reply