Ciidanka Dabdamiska Hargeysa oo Badbaadiyey 17 Qof

0
654

Hargeysa(Dawan)- Ciidamada Dab-damiska Qaranka ee caasimadda Hargeysa ayaa ku guulaystay in ay badbaadiyaan 17 qof oo la socday gaadhi noociisu Shaamboo yahay , kaas oo geed weyn ku jiidhay degmadda Uubaale, iyadoo ay afar qof ku xanibmeen shidhka gaadhigaas, siday werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA.

Taliska Ciidammada Dabdamiska oo ka warbixiyey dhacdadaasi ayaa sheegay in ay ku guulaysteen badbaadinta afartaas qof ee uu ku xidhmay shidhka gaadhigaasi, iyaga oo isticmaalaayey qalabkooda badbaadada.

Taliyaha Ciidammada Dab Damiska Qaranka Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa uga digay wadeyaasha gaadiidka iyo rakaabka saaranba, isaga oo kula taliyey in ay xil weyn iska saaraan dadkaasi saaran gawaadhida.

Waxa kale oo uu digniin u diray wadeyaasha baabuurtooda marinaya dooxyadda xiliyadda ay daadadku marayaan, kuwaas oo khasaare badani ka dhashay, waxaanu sheegay in sharciga lala tiigsan doono cidii ka dhego adaygta.

Leave a Reply