Xukumadda Somaliland oo ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dalka Ethiopia

0
302

Hargeysa (Dawan)- Xukumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay xiisadda ka taagan deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo arrimaha siyaasaddeed ka taagan dalkaas. waxaanay xukuumaddu ugu baaqday in dawladda dhexe ee Itoobiya ay xaliso dhibaatada ka jirta dhulkeeda .

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay tahay deriska Alle u dooray Somaliland. islamarkaana ay mudan tahay in nabad lagu wada noolaado. Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ugu baaqay in la dhammeeyo dhibaatada dalkaasi ka jirta.
Mudnane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawladda Itoobiya waa dal aynu jaar nahay, jaarkaagana Ilaahay ba kuu dooray oo ma dooran kartid. Waxa aynu mar walba u taagannahay inaynu nabadgelyo iyo walaaltinimo loo siman yahay oo midna aanu mid dulmiyin aynu kula noolaanno.
Wixii dhibaatooyin hor taagan gudahoodana waxaynu u rajaynaynaa in ay nabad ugu dhammaato, geeska Arfikana wixii carqalado ka yimaadda in nabad lagu xalliyo oo xagga wanaagsan ee is-kaashiga ah aynu u dhaqaaqno.”
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bulshada Somaliland ka codsaday in ay ilaaliyaan nabadgelyada dadka u dhashay dalka Itoobiya ee ku sugan gudaha Somaliland, waxaanu yidhi “Dadka Somaliland oo dhan, gees illaa ka gees oo ardayda halkan (Cammuud) fadhida iyo gobolka Awdalba, waxa dalka jooga dad badan oo Itoobiyaan ah, afkii ay doonaan ba haku hadlaane, waxa aan codsanayaa in dadkaasi ay ammaan ku joogaan dalka Somaliland oo aan loola dhaqmin si cadowtinimo ah oo haddii ay xaggaas (Itoobiya) wax ka dhacaan, aan caaddifadi ina qaadin. Qofka dalkaaga kula joogaana diin, dhaqan iyo dadnimoba waa magantaada, magantana xeer baa ka yaalla.”
Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda arrimaha debadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in arrintaasi ay saamayn ku yeelanayso Somaliland, waxaanu ugu baaqay xukumadda raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abey Axmed, in ay nabad ku dhammayso arrintan iyo xiisadda jirta.
Wasiir Sacad oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “dabcan wax kasta oo ka dhaca jaarkeena waa ay ina saamaynayaan. markaa waxa fiican in arrinkaasi aanu faraha ka bixin oo nabad lagu dhammeeyo.
Waa arrin u yaala dawladda Itoobiya oo daakhili ah, mana faro gelin karo ee waxa aan ugu baqaynaa walaalahayaga Itoobiya, in ay si wanaagsan ku dhammeeyaan.”
Maalintii Sabtidii ayaa rabshado iyo xiisado ay ka dhaceen magaalada Jigjiga ee xarunta dawladda ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay isku dhaceen ciidamo booliska dawladda Federaalka ah ee dalka Itoobiya. Waxaana sida la sheegay magaaladaasi ka dhacay rabasho sababay dhimasho iyo dhaawac.

Leave a Reply