Dad ku Dhintay Ceel laga Qodayay Degmada Arabsiyo

0
278

Arabsiyo (Dawan)- Laba qof ayaa ku geeriyooday Ceel biyood laga qodayay goob ku taalla degaanka Agamsaha ee degmada Arabsiyo oo ka tirsan gobolka Gebilay. Kuwaas oo qodaal ku samaynaayey ceel biyoodka ku yaalla deegaankaasi.

Labada marxuum, ayaa magacyadood lagu sheegay Maxamed Faarax Cumar iyo Cabdi Xabeeb, kuwaas oo ka mid ahaa tobaneeyo nin oo deegaankaasi ka qodayey Ceelka biyood. Waxaana goobtaasi ku geeriyooday labadan nin, kadib markii uu ku dumay ceelkaasi.
Guddoomiyaha gobolka Gebilay, Cismaan Xaaji Axmed oo la hadlay telefiishanka HCTV, ayaa ku tilamaamay dhacdo naxdin leh. isaga oo arrinta ka hadlayayna waxa uu yidhi “waa arrin naxdin leh, waxa uu ceelkan la qodayay ku dumay laba nin oo ka shaqaynaayey. Iyada oo lagu jiro xilli roobad iyo ciidda oo jilicsan ayaa dhib ah, qadarka allena meesha wuu yaallay oo hadday ajal u laaban tahay meesha may galeen. waxaan ugu tacsiyadaynayaa ehelka iyo qarabadii ay ka baxeen”
Qof goob jooge ah ayaa sheegay in arrintan ay sababeen roobab deegaanka ka da’ay iyo ciidda oo jilicday, waxaanu yidhi “Dhibaata waxa keentay dhinac ayaa ciidda niista oo kale ahayd, xalayna waxa da’ay roob aad u dhibic leh, waxaana ku dhawayd qaybta waraabka, taasina dhib ayey keenaysaa. waxa ku dhintay laba nin, waxaana qodaayey ceelka illaa toban nin.”
Maaha markii ugu horraysay ee ceel ku dumo dad qodaaya. balse waa dhacdo marar badan ka dhacday gudaha Somaliland. waxaanay dadka deegaanku tacsi u direen ehelada labada marxuum ee gooriyooday, iyaga oo labada marxuum-na ALLE ugu baryey in uu janadiisa ugu deeqo.

Leave a Reply