Colaaddii Ceel Afweyn oo la Soo Af-jaray iyo Nuxurka Go’aamadda laga soo Saaray

0
480

Ceel Afweyn (Dawan)- Guddidii nabadeynta colaadda labada beelood ee walaalaha ah ee dirirta soo noqnoqotay ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aamadii ay ka soo saareen deminta colaada iyo shaqaaqadaas.

Guddoomiyaha shirka nabadeynta Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo goobtaasi ka hadlay ayaa bulshada deegaanka Ceel-afweyn ugu baaqay inaanu magacoodu isu beddelin Ceeb-afweyn ee ay ka taliyaan nabada iyo wanaagga.
Gudoomiyaha shirka nabadeynta Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaan beelaha u soo jeedinayaa walaalahayo ee aanu u garnaqeyno, oo arrintoodii soo gabagabowday, inay go’aankaasi ku qancaan, waana go’aan umadii ay gaadhay, maaha wax intayadani uun aanu gaadhney ummadda kalena dibad iyo gudaba waa ay nala gaadheen shaqaaqadan iyo dhibaatadan muddo ayay soo socotay, waanay xalismaysaa Insha Allah, gobolka Sanaag waa ka ugu ballaadhan Somaliland, markaa reer Ceel-afweyn waxaan leeyahay waa in aad ilaalisaan magaciina iyo sharaftiina walaalo xafiltamay way xoola yareeyaan oo ay xabaalo badiyaan magaciina Ceel-afweyn ka ilaaliya oo haddii aad wanaagiinaa wadataan Ceel-afweyn ayuu idiin ahaanayaa, haddii kale Ceeb-afweyn ayuunbaa leydinku yeedhi oo uu noqon doonaa magaciinu”
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah ergada nabadaynta ee qodobada soo saaray oo hadal isna madasha ka jeediyay, ayaa aad ugu dheeraaday nadaba iyo qiimaha ay leedahay iyo qodobada lasoo saaray in la qaataa sida ay diinta Islaamku uga hadashay iyo waxay shareecada Islaamku ka qabto wanaajinta dadka walaalaha ah dhexdooda,ayaa yidhi. “Waxaan aad iyo aad ugu rejo weynnahay in beelaha walaalaha ah ee aanu martida u nahay ee aanu u fadhinaa inay qaadan doonaan, saddex sababood awgeed,ta u horreysa weeyaane waa raggeedii oo waa dad goba, geed jooga, gartoodana yaqaana qodobadana intooda badan waxaa ay yihiin kuwo xagooda ka soo fulay ama wax lagu qaatay, shaygana haddii aad wax ku qaadato amase ogolaato shareecadu ku xisaabtan ayay siineysaa arrinka saddexaad ee sababta u noqonaya ee u sahlayaa waa shareecadii oo lagu saleeyay, sharciga haddii lagu saleeyana imaankeenu waxaa uu inna farayaa in aynaan ka war wareegin ee aynu qaadano”
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah madaxdhaqameedka beelaha Somaliland ee ergada nabadaynta ka midka ahaa oo isna hadal dar daaran ah u jeediyay labada beelood ee walaalaha ah,ayaa yidhi “Waxaan aad uga mahadcelinaynaa sida heshiiskii shareecada islaamka ku salaysnaa labada beelood ugu guuxeen, oo ugu ololeen, Illaa xidhayaashiinu, ILLAAHAYNA kheyr ha idin siiyo. quluubtiinana ha isku soo jiido, ILLAAHAY caloosheena burcad ha isku mariyo, dad wada dhashay ayeynu nahay.”
Ugu dambayn Afhayeenka shirka nabadeynta Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure (Sheekh Ismaaciil Dheeg) ayaa akhriyay nuxurka qodobada lagu heshiiyay 1- Xukunka dagaaladan waxaa ay ahaayeen qaar qabiil, fidno ah, xaaraana, sida ku cad qur’aanka kariimka ah,iyo xadiiska rasuulka(scw)
2- Dhammaan heshiisyadii ay beeluhu hore u gaadheen iyo wixii go’aan ay guurtidu soo saartay waa in sidoodii loo fuliyo, 4-Heshiisyadan hore iyo go’aamadaasi waxaa ay kala ahaayeen heshiiska taariikhdiisu tahay2/9/2017 ee dhexmaray ardaayada Baha Faarax iyo Idareys, heshiiska taariikhdiisu tahay 9/3/2017-kii ee dhexmaray ardaayada Axmed Faarax iyo Jibriil Xasan heshiiska taariikhdiisu tahay 9/9/2017-kii ee dhexmaray ardaayada Baho Jibriil Xasan iyo reer Maxamuud, go’aanka guurtidda ee taariikhdiisu tahay 12/9/2017 5-Go’aanka guurtidda ee taariikhdiisu tahay 10/3/2018 fiiro gaar ah, dhammaan qoraalada heshiisyadan iyo go’aamada ku lifaaqan oo shanta heshiisba aanu galka u soo gelin doono dhinacyada.
3- Dhimashada wixii dad ku kala dhintay beelaha iyo ardaayada ee laga heshiiyay ama go’aan ka soo baxay waxaanu xukunay in loo fuliyo sidii loogu heshiiyay, qodobkiisa labaad wixii aan hore heshiis ama go’aan ka soo bixin ee ku saabsan dhimasho, dhaawac iyo hantiba waxaanu beelaha ugu kala xukunay sidan, beesha Sacad Yoonis waxaa aanu u xukunay 11-qof oo kala ah 5-nin oo ku dhintay Fadhigaab iyo Dhidinka oo loogu xukumay beesha Axmed Faara, beesha Axmed Faarax 5-nin oo ku dhintay oo loogu xukumay Baho iyo Axmed Faarax waxaa kale oo baho loogu xukumay gabadhii yareyd ee dhimashadeedu ugu dambeysay, ninka ay ku dacwiyeen beesha Sacad Yoonis inuu ku dhintay dhaawac ka soo gaadhay dhagax ku dhacay ee aan leysla qirin waxaanu go’aaminey in dib loo dhigo xukunkiisa inta leysla hubinayo ama dhinacyadu isla qadanayaan, beesha Baho waxaa aanu u xukunay magta laba nin oo ku dhintay deegaanka Darerweyne oo aanu ugu xukunay beesha Sacad Yoonis, beesha Axmed Faarax magta 6-nin oo ku dhintay Fadhigaab iyo Dhidinka oo aanu u xukunay beesha Sacad Yoonis, – beesha Iidle Biciide waxaanu u xukunay magta 1-qof ama 1-nin oo ku dhintay Ceel-afweyn oo aanu ugu xukunay beesha Sacad Yoonis, dhammaan xukunka 20-ka qof, waxaanu u cuskanay ogolaanshaha dhinacyada magta ragani waa boqol halaad gabadhuna waa 50-halaad sida shareecada Islaamku ay qabto magta waxaa iska leh dadka iska leh dhaxalka dadka dhintay leysumana tuuri karo, dhinac walba waxaa waajib ku ah inay bixiyaan magta lagu leeyahay.
qodobka 4- dhaawacyada waxa beelaha iyo ardaayada aanu u kala xukunay dhaawac tiradiisu dhan tahay 136 oo kala ahaa beesha Sacad Yoonis waxaa u sugmay dhaawaca dhan 67-qof oo ay ku leeyihiin beesha Baho iyo Axmed Faarax sida ay isla qireen, beesha Baho waxaa u sugmay dhaawaca 55-ruux oo ay ku leeyihiin beesha Sacad Yoonis sida ay isla qireen, beesha Axmed Faarax waxaa u sugmay dhaawaca 14-qof oo ay ku leeyihiin beesha Sacad Yoonis sida ay isla qireen waxaana dib loo dhigay xukunka dhaawaca 7-haween ah oo ay sheegteen beesha Sacad Yoonis intay isla hubinayaan beeluhu dhammaan dhaawacyada waxaa loo muddeeyay in la xaqo marka ay bogsadaan guud ahaan.
5- Deegaanka iyo dhulka dacwadda deegaanka iyo dhulka waxaanu ka xukunay in ummaddu wada leedahay oo aan la kala sheegan karin ceelasha in la wada cabbo, daaqa la wadaago, si caddaaladana looga wada faa’iideysto sida shareecada Islaamku qabto ciddii deegaan cusub rabta inay sameyso sida tuulo, baraago, beero iyo ceelal waa in ay fasax iyo ogolaanshiyo ka heshaa dawladda labada dhinacna ku heshiiyaan si aanay fidno dambe uga dhalan, haddii cidi sameyso deegaan cusub cid kale xaq uma laha inay kula dagaalanto ee waa inay dacwadeeda u gudbiso xukuumadda talada dalka heysa, shareecadda Islaamku ma ogola qof gaara oo seereyn ku sameeya dhulka ama ceshiimooyin.”

Leave a Reply