Drs Moha oo Dhiirigelisay Xoojinta Iskaashiga aynu Wadaagno Itoobiya

0
236

 

Hargeysa (Dawan):- Drs. Moha Faarax Jire, ayaa ka dalbatay xukuumada jamhuuriyadda Somaliland in ay xoojiyaan xidhidhka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ay la wadaagto dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Drs Moha Faraax, waxa ay sidaasi ku sheegtay waraysi uu la yeeshay weriye ka tirsan bahda wargeyska Dawan, xilli ay dalka Somaliland dib ugu soo noqotay. iyada oo muddo sannado ah kaga maqnayd waxbarashada shahaadada Drs. Moha Farah iyada oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxa ay tidhi “Ilaahay mahaddii, dhowaan ayaan ku soo noqday dalka, ka dib martiqaad uu Qunsulka guud ee dalka Itoobiya Brig. Gen Berhe Tesfay iigu fidiyey inay ila wadaagaan xaflada qalinjebita waxbarashadaydii.”

Drs Moha ayaa sheegay inay uga mahad celinayso Qunsulka guud ee Itoobiya iyo hawlwadeenada xafiiskooda dedaalada ay ugu jiraan horumarinta iskaashiga u dhexeeya shacabka Somaliland iyo dawladda Itoobiya, waxaanay tidhi, “Qunsulka guud ee Itoobiya Brig Gen Tesfay, waan uga ahadcelinayaa soo dhoweyntiisa qiimaha lahayd, iyo siduu ugu hawlan yahay sare u qaadida iskaashiga walaaltinimmo ee u dhexeeya labada shacab ee Itoobiya iyo Somaliland, oo isbedel muuqda ka sameeyey.”

Suxufiyadan da’da yar ee dublamaasiyada noqotay Drs. Moha Farah ayaa bogaadisay iskaashiyada dhinacyada badan ee sannadahii u dabeeyey ay wada yeesheen Somaliland iyo Itoobiya oo dhaqanno iyo xuduudo wadaaga, waxaanay tidhi, “Waxaan hambalyo u dirayaa madaxweynaha Somaliland ee la doortay mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanan ku dhiirigelinayaa golaha xukuumadda inay kobciyaan wada shaqeyntooda xukuumada Itoobiya, sidoo kalena, kula dardaarmayaa ardayda Somaliland inay ka faa’ideystaan deeqaha waxbarasho ee Itoobiya u fidisay.

Waxaan si xushmad leh uga codsanayaa Madaxweynaha Somaliland inaan la lumin danaha aynu wadaagno Itoobiya, oo adeegsiga tamarta Laydhku ugu horreeyo, la’aantiina horumarka Somaliland koobnaanayo, isla markaana fursad kasta wadaag looga faa’iideysto.”

Drs. Moha Faarax ayaa caddaysay in qorax cusub u soo baxday labada shacab ee Itoobiya iyo Eritrea, heshiiska nabadgelyo ee madaxdoodu wada gaadheenna u horseedi doono badhaadhe labada dal iyo guud ahaan qaarada Afrika, waxaanay tidhi “Waxaan soo dhoweynayaa talaabada labada shacab ee Itoobiya iyo Eritrea gacmaha isku qabsadeen, nabadgelyana u horseeday, waxaanan fursad u yeeshay inaan goobjoog u ahaado taariikhdan qormaysay.

Hambalyo ayaan u dirayaa Raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed, isbedeladiisa saameeyey guud ahaan gobolka Geeska afrika, una rajaynayaa inay guulaystaan”

Moha Faarax Jire waxa kale oo ay sheegtay in ay socdaalo ku soo mari doonto qaarada Afrika, oo isbedelo badan ka hirgaleen mudadii ay ka maqnayd, waxaanay tidhi “Waxa sharaf ii ahayd in Itoobiya dhiirigeliso waxbarashadaydii, xilligan waxaan ku celin doonaa aqoontayda horumarinta Qaarada Afrika, oo ah halkaan ka soo aflaxay.”

 

Leave a Reply