Maareeye Ku Xigeenka Madbacadda Qaraka oo Tacsi u Diray Marxuum Xildhibaan C/Qaadir Askar

0
239

Hargeyska (Dawan)- Maareeye ku xigeenka Madbacadda Qaranka jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shaqaale waynaha madbacadda qarank, wuxuu tacsii tiiraanyo leh u dirayaa Alle ha u naxariistee marxuum Cabdiqaadir Askar Xasan oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa golaha wakiilalda jamhuuriyadda Somaliland oo habeenimadii taariikhdu ahayd 31-07-2018 ku geeriyooday magaalada London ee wadanka UK.
Maareeye ku xigeenku wuxuu marxuumka ka tacsiyadaynayaa qoyskii, qaraabadii, asxaabtii, gole waynihii uu ka baxay iyo dhammaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay marxuumku. Waxaanu Illaahay ugu baryayaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaranka uu ka baxayna samir iyo iimaana Alle ka siiyo. Ammiin Ammiin Ammiin

Leave a Reply