Hay’adda Qaxoontiga Somaliland oo IOM ka Guddoontay Gaadhi Lankuruser ah

0
263

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda caalamiga ah ee socdaaladda dunida ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM, ayaa gaadhi Lankurusar ah oo noociisu yahay Hadhtoob, ku wareejisay hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland.

Gaadhiga ayaa lagula kala wareegay xarunta Hay’dda qaxoontiga iyo barakacayaasha ee magaalada Hargeysa. Baaburkan ayaa loogu talo galay In loogu adeego ka hortaga dhibaatadda tahriibka, ugu horrayna waxa halkaasi ka hadlay, guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), waxaanu sheegay in baabuurkani wax badan ka tari doono dhibaatada tahriibka, waxaanu yidhi “Gaadhigan ayaanu kala wareegayna maanta Hay’adda IOM, gaadhinan oo loogu talogalay waaxda MRC, ee ka tirsan Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha, kaas oo wax lagaga qaban doona arimaha Tahriibka, waa gaadhi cusub oo Km, kiisu yahay 0, marka laga reebo intii uu Berbera ka soo socday. waanuna idinkala wareegaynaa, waana mahadsantihiin”.
Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadashay madaxa hay’adda caalamiga ah ee IOM, ee Somaliland Jecemy, waxaanu yidhi “Waxan halkan idinku wareejinayna Gaadhigan oo aanu ugu tala galay in uu wax badan ka Caawiyo Ha’addiina gaar ahaan dhibaatooyinka Tahriibka iyo ka hortaga Socdaaladda sharcidaradda ah” ayay tidhi Madaxa Hay’adda IOM ee Somaliland.

Leave a Reply