Qarax ka Dhacay Buhoodle oo Sababay Dhimasho iyo Dhawaac

0
289

Buhoodle (Dawan)- Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Buuhoodle, xilli ku beegan salaadii makhribnimo ee habeennimadii xalay. qaraxan ayaa sida la sheegay loo adeegsaday Baabuur nooca loo yaqaan Noah–da, kaas oo ku qarxay meel u dhaw goob Masaajid ah.

Madaxa Caafimaadka ee degmada Buhoodle Dr. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Xukun), oo khadka telefoonka ugu warramay wargayska Dawan, ayaa noo xaqiijiyay dhimashada laba qof oo ku nafwaayay qaraxan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa yidhi ”markii laga soo baxay salaaddii makhrib ayaa qaraxani ka dhacay meel u dhow Masaajid. halkaas waxaa ku geeriyooday laba qof iyo nin la sheegay in uu ahaa kii qaraxa fulinayay, kaas oo aan la aqoonsan wejigiisa illaa hadda.”

Dr. Maxamed Yuusuf waxa uu intaasi ku dasray “Qaraxaas intaas ayaa ku dhimatay, waxaana ku dhaawacmay qaraxaa sideed qof oo kale. Saddexd qof oo dhaawacoodu cuslaa, waxa aanu u gudbinay Cisbitaalka magaalada Burco, si loogu dabiibo. Shantii qof ee kalena waxaannu ku daaweynaynaa Cisbitaalka Buuhoodle, waana dhaawac sahlan.”

Madaxa caafimaadka degmada Buuhoodle Dr. Cali, waxa uu sheegay in qaraxani uu ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada Buuhoodle. Inkasta oo aan la aqoonsan cidda geystey qaraxa, iyo ujeedada laga lahaa. Balse waxaa socota baadhis arrintaasi lagu samaynayo.

Labada nin ee geeriyooday ayaa lagu kala magacaabi jirey Cabdifataax Maxamed Cali oo dhawaan ka yimi dhinaca dawlada Soomaaliya, kana mid ahaa xubnaha uga ololeeya dawlada Soomaaliya magaalada Buuhoodle iyo Axmed Maxamed Doolaal oo soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulkii Khaatumo ka hor intii aanay wadahadalka la gelin jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply