Somaliland oo Gacanta ku Dhigtay Hanti laga soo Bililiqaystay Magaalada Jigjiga

0
286

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay xaaladda magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaadiid laga soo bililiqaystay oo ay gacanta ku dhigtay iyo qaxooti ka soo jeeda qoomiyadda Oromada, oo xadka ka soo gudbay oo dalka soo gaadhay iyo xaaladooda nololeed oo ay xil iska saartay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diire oo xalay waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, waxa kale oo uu intaaku daray, in wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo maamulka dhanka Itoobiya ee degmada Wajaale, ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha ammaanka, la isagana kaashan lahaa in aan wax dhibaato ahi soo gaadhin labada dhinac iyo hantida baananka Itoobiya ee Wajaale taalla oo ganacsatada labada dalba ay lacagaha dhigtaan isla markaana ganacsiyo badani iskaga xidhan yihiin.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay, xaaladda caafimaad ee ay hadda ku sugan tahay madaxa hay’adda WHO ee gobolka Sool, Xaliimo Xasan Bisaas oo deblay hubaysani ay habeen hore toogasho ku dhaawaceen.
Wasiir ku xigeenka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladda ka soo korodhay xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga iyo safar uu ku tegay shalay (dorraad) magaalo xuduudeedka Wajaale, ayaa yidhi “Itoobiya waa dal aynu deris nahay oo aynu xidhiidh aad u wanaagsan oo walaalnimo iyo saaxiibnimoba aynu leenahay. marka arrimaha noocaas oo kale ahi ay dhacaanna, dalalka xuduudaha wadaaga, waxa dhici karta in soohdimaha waxyaabo sharci darro lagu soo qaatay oo bililiqo ahi ay ka soo gudbaan, ama dad fidmo-wadayaal ahi ay ka soo gudbaan.
Markaa socdaalkaygu wuxuu la xidhiidhay sidii aanu iskaga arki lahayn madaxda degmada Wajaale ee dhanka Itoobiya. in laga wada shaqeeyo ammaanka iyo in Somaliland sugto oo ay xidhato xuduudkeeda, si aanay hanti lala soo baxsaday innoogu soo gudbin.”
Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu intaasi ku daray “maamulka Wajaale ee dhanka dalka Itoobiyana, si wanaagsan ayaan uga wada hadalnay, wada shaqaynta ammaanka iyo in aan wax bililiqo ahi ka dhicin Bangiyada ku yaalla dhanka Itoobiya ee Wajaale oo ah baanan ay hanta badani ka taallo ganacsato labada dal u dhashay oo labada dalba ka shaqaysta.”
Wasiirka oo la waydiiyay in ay jiraan wax hanti ah oo la soo bililiqaystay oo Somaliland lala soo galay, ayaa ku jawaabay. “waxaa jira baabuur lala soo baxsaday oo la soo bililiqaystay oo aanu gacanta ku dhignay oo lagu kala qabtay Wajaale iyo Burco.
Laba gaadhi oo dhanka Wajaale lagala soo tallaabay oo la qabtay, waxaanu ku haynaa Gabilay, dadkii watayna way xidhan yihiin. gaadhi Bas ah oo kuwii waawaynaa ah oo Burco lala soo galayna waa la qabtay oo waanu haynaa. Gaadhi kale oo la doonayay in lala soo gudbana markii ciidanku ku dhaqaaqeen ayuu dib dhanka Itoobiya ugu noqday. maamulka Itoobiya ayaannu ku war gelinay gaadhigaas, isaga oo taayirada laga banjariyay in uu dib u noqday. Waxaanan aad u adkaynay ammaanka dhammaan xuduudka aynu wadaagno Itoobiya in aanay ka soo gudbi karin wax la soo bililiqaystay nooc ay tahayba.”
Wasiirka oo la waydiiyay in ay jiraan dad qaxooti ah oo soo gaadhay Somaliland, ayaa ku jawaabay. “waxaa dalka Somaliland soo gaadhay dad badan oo Oromo ah oo ku sugan imika Wajaale. dadkaasi oo tiradoodu gaadhayso illaa 400 oo qof, xaaladooduna aad ayay u wacan tahay. waxaannu farnay madaxda degmada Wajaale in meel la dejiyo. haddii roobab yimaaddaana in loo furo isguulada oo ay dhaxanta iyo roobabka ka galaan, waanay fiican yihiin.”
Wasiirka oo wax laga waydiiyay xaaladda madaxa hay’adda WHO ee gobolka Sool oo habeen hore toogasho lagu dhaawacay, ayaa ku jawaabay. “xaaladdeedu aad ayay u wacan tahay, xabaddii ku dhacdayna waa laga soo saaray, falkii lagu toogtayna baadhistiisu way socotaa.”

Leave a Reply