Agaasimaha Baanka oo  ka Hadlay Xakamaynta Sicir Bararka iyo Tallaabooyinka ay Qaadeen

0
309

 

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha xakamaynta sicir bararka iyo kor u qaadista shillinka Somaliland, sidoo kalena ka hadlay tallaabooyin ay qaadeen oo wax lagaga qabanayay arrintaas.

Agaasimaha Baanka dhexe, waxa uu iftiimiyay in suuqa Somaliland uu yahay mid xor ah oo madax bannaan. isla markaana Baanka dhexe ee qaranka Somaliland ay shaqadiisa tahay in uu illaaliyo qiimaha isku bedelka lacagaha iyo in aanu sicir bararku noqonin mid aan la xakamayn karin.

Agaasime Axmed Xasan oo arrimahaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Somaliland waxaa ka jira suuqa xorta ah ee ganacsiga, kaasina waa siyaasadda qaranka oo ah in uu suuqu ahaado mid xor ah.

Waxa kale oo jira in baanka dhexe in uu dalka ugu xil saaran yahay oo ay shaqadiisa tahay illaalinta lacagaha suuqa gelaya ee kala duwan iyo kuwa ka baxayaba si aanu saamayn ugu yeelan sicir barar suuqyada ka dhaca iyo shillinka Somaliland oo hoos u dhaca.”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa bulshada u soo jeediyay in ay lacagtooda aaminaan oo aanay shay kasta ku iibsan ama ku iibin doolar, waxaanu yidhi. “dunida oo dhan waxaa doollar lagu iibiyaa waxyaabaha ay baahidu keento ee  dalku dibedda ka soo iibsado. laakiin innaga dhibaatada ina haysataa waxay tahay dadkeenii oo aaminay doollar oo waxkasta doollar ku iibinaya, ama ku iibsanaya. waxay ahayd waxyaabaha aynu dalkeena ka soo saarno in aynaan Dollar ku iibsan ama ku iibinn si ay  u yaraato baahida Dollarka aynu u baahanahay laakiin bulshadii ayaa qayb ka ah in Dollar la wada raadiyo.”

Mar uu ka hadlaya sarifka Somaliland waxaa uu yidhi. “Sarrifka waxaa ka ganacsada sarrifleyaal kala du duwan oo kala awood ah oo kala duruuf ah Baankana waxaa uu xil ka saaran yahay in ay intaaba isku illaaliso oo ay isku waddo oo aanay kala tegin. Dhibaatada maceeshadu ula  jabi waydo marka Dolarku jabo waa dhibaato ka timi tijaarta oo aan aaminsanayn in Dollarku halkaa taagnaanayo ama kaba sii jabayo laakiin waxaanu wadnaa in uu halkaa hoos uga sii dhaco oo qiimaha shillinka Somaliland si tallaabo tallaabo ah aanu kor ugu qaadi lahayn waxaanan wadnaa qorsheyaal badan oo aanu qiimaha shillinka Somaliland kor ugu qaadayno.”

Waxaanu sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay baanan kaga  hir gelinayaan magaalooyinka Wajaale, Balligubadle iyo Oodweyne.

Leave a Reply