Shacabka ka soo Jeeda Dalka Itooibya oo Amaanay Qaranka Somaliland

0
282

Hargeysa (Dawan)- Qaar ka mid jaaliyadda Itoobiya ee ku sugan gudaha jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ammaan u soo jeediyay xukuumadda iyo shacabka Somaliland, waxaanay ku bogaadiyeen sida wanaagsan ee gobanimada iyo walaalnimada leh ee loo soo dhaweeyey. xilli dad Itoobiyaan ah lagu waxyeelay inta badan dhulka ay Soomaalida degto .

Dadkani ayaa shacabka iyo dawladda Somaliland ku ammaanay sida ay u sugeen ammaankooda, intii ay rabshaduhu ka socdeen dalka Itoobiya , waxaanay ka marag kaceen in wax dhibaato ah aan loogu gaysan gudaha Somaliland intii ay ku noolaayeen .

“Waxaan sheegayaa in aan nabad ugu noolnahay dalka Somaliland oo wax dhibaato ah aanay nagu gaadhin, qalalaasaha ka dhacay dalka Itoobiya, illaa imika wax dhibaato ah kamaanu arag Somaliland.

Dawladda Somaliland iyo dadka shacabka ahiba si fiican ayey noo soo dhaweeyeen. waanan u mahad naqaynaa dadka iyo dawladda Somaliland” ayuu yidhi mid ka mid ah jaaliyadda Itoobiya ee ku nool Somaliland oo warbaahinta kula hadlaayey gudaha magaalada Hargeysa.

Mid ka mid ah jaaliyaddan oo ku hadlayay magaca qoomiyada Xabashida, ayaa sheegay in Somaliland ay uga duwantahay dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya. isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sida la wada ogyahay, waannu la soconnaa xaaladda dalka Itoobiya.

Intii ay xaaladdaasi jirtay, dalka Somaliland gudihiisa wax dhibaato ahi naguma soo gaadhin. Dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya waanu maqlanay in dhib loo gaystay dadkayga.”

Mid ka mid ah dhallinyarada jaaliyadda Itoobiya oo wax ku bartay magaalada Hargeysa, ayaa isaguna ka hadlay arrintan, waxaanu yidhi “muddo dhawr iyo toban sanno ah ayaa Somaliland joogay, abaahay ayaa halkan yimi.

Carruurta Somaliland wax baan la bartay oo waxaan ahay arday dhigta jaamacadda Admas, ardayda Somaliland isku kursi ayaannu fadhiisannaa, wax baanu wada cunnaa oo wadda cabnaana. sida walaalo ayaanu u wada noolnahay, wax dhib ah oo aan arkay haba yaraatee ma jirto.”

Dhinaca kale, dadka qaxoontiga ah ee ka soo qaxay waddamada Siiriya, Falastiin, Liibiya iyo Yemen, ayaa si wada jir ah shacabka iyo dawladda Somaliland ugu ammaana soo dhawaynta iyo nabadgelyada ay kala kulmeen .

Leave a Reply