Faysal Cali Sheekh oo Sharraxay Guulaha uga soo Hoyday Socdaalkiisii South Africa

0
298

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha u diyaargarowga aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka Somaliland, mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa sharraxay guulaha la taaban karo ee uga soo hoyday safar shaqo oo maalmihii ugu dambeeyay uu ugu maqnaa dalka koonfur Afrika.

Guddoomiye Faysal Cali Sheekh ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha uga soo qabsoomay safarradii ugu dambeeyay ee uu ku tagay dalka dibadiisa, waxaanu sidan ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaraduhu ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu safar shaqo kaga soo laabtay dalka dibadiisa.

Guddoomiye Faysal isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dhab ahaantii, socdaalkaygani waa safarkii saddexaad ee aan dalka dibadiisa ugu baxay, muddadii aan xilka hayay.

Muddadii aan safarkayga ku gudo jiray, waxaan la kulmay hay’addo kala duwan, oo isugu jira, kuwo caalami ah iyo hay’ado laga leeyahay Koonfur Afrika. waxaa ka mid  ahaa hay’adda MSF, oo waddanka ka guurtay, waxaanay noo sheegeen inay wadanka ku soo laabanayaan oo ay wefti deg deg ahna u soo dirayaan.”

Faysal Cali Sheekh, waxa uu intaasi raaciyay, “Sidoo kale, waxa aannu la kulanay hay’adda Islamic Relief. waxa kale oo aannu la kulanay dawladda koonfur Afrika, iyo hay’adda aafooyinka dabiiciga ah u qaabilsan dalkaas.

Waxaanu warbixin ka siinay xaalada ay ku sugan yihiin dadkii ay duufantu ku dhufatay iyo abaaraha soo noqnoqonaya ee waddanka ka dhacay, waxaanay noo ballan qaadeen in ay wax weyn nagala qaban doonaan oo ay wafti inoo soo diri doonaan.

Waxa kale oo aannu la kulanay Tv-ga SPSC, iyo Idaacadda 24-channel masuuliyintoodii, sidii ay qadiyadda jamhuuriyadda Somaliland uga warbixin lahaayeen iyo in ay xilliyada doorashada ay inoo soo diraan suxufiyiin. dhab ahaantiina waa ay aqbaleen, iyo inay xukuumadeena iyo xisbiyadeenaba ay siiyaan doodo ku aadan faraqa Somaliland iyo Soomaaliya u dhaxeeya. islamarkaana ay tababaro siiyaan wariyayaasheena”

 

Leave a Reply