Xukuumadda oo Biyo-xidheeno ay Hirgelisay ku Wareejisay Dad Reer Guuraaga ah

0
309

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo gabagabeysay mashaariic horumarineed oo lagu kabayay dadka reer guuraga ah ee Somaliland, gaar ahaan biyaha, beeraha iyo xoolaha, waxaanay shalay dad reer guuraa ah lagu wareejisay biyo-xidheeno loo sameeyay.

Munaasibad loogu talo-galay wareejinjta mashaariicdan horumarineed oo lagu qabtay xarunta wasaaradda deegaanka, waxa goob-joog ka ahaa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandar, wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed, wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha Yurub Abiib Cabdi iyo dadkii mashaariicdan lagu wareejinayay.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ugu horreyn halkaasi ka hadashay ayaa faahfaahin ka bixisay mudadii uu socday mashruucani waxaanay tidhi “Mashruucani wuxuu socday muddo ku dhaw laba sanno iyo badh.

Mashruucan oo loogu talo-galay sannad iyo lix bilood ayaa muddo kale lagu daray, waxaa sababay in dib u dhac ku yimaado, kadib markii la waayay biyihii dooxooyinka ee soo rogmanayay. waxaan uga mahad naqayaa kooxda ka soo shaqeysay ee sida wanaaga iyo xilkasnimada leh isaga xil saaray, kana soo baxay ee afarta wasaaraddood ka tirsanaa, ee aan habeen iyo maalin jiifsan ee intaasi gaadiidka saarnaa ee illaa bilowgii ugu horreeyay illaa dhammaadkii aan maalin ka dul dhaqaaqin, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland, Cabdirisaaq Jaamac Nuur, ayaa sharraxay mashruucan horumarineed iyo sidii uu Somaliland ku yimid, waxaanu yidhi “Mashruucan waxaa fulinayay World Baanka, waa halkii uu mashruucani ka soo galay Somaliland.

Qolada World Baanku, waxay waddanka yimaadeen iyaga oo aan wax fikrad ah ka haysan waddanka, waxaanay yidhaahdeen waxaannu soo horumarineynaa mashaariic yar yar oo kharashaadkoodu aad u kooban yahay, waxaana ujeedeedu tahay in aanu idinku barano. Annaga in aanu bixino waxba naguma aha, waxaad tihiin dad awood badan aan u laheyn in aad daneeyayaasha beesha caalamka la shaqeysaan.

Mashruucani waxa uu ka kooban yahay dhawr qaybood, waxaanu ku jaheysan yahay marka hore dadka reer guuraga ah, inuu ka kaabo kaabayaasha dhanka nolosha, ee ay ka midka yihiin beeraha, biyaha iyo deegaanka.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed oo isaguna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa dadkii mashaariicdan lagu wareejinayay kula dardaarmay in ay ilaashadan oo aanu daryeel la’aan uga baabi’in waxaanu yidhi “Waxaa goobtan laga wada sheegay in mashruucan tijaabada ah ay wadaadadii deegaanadu aad iyo aad u soo dhaweeyeen. Sababta oo ah, waxa uu taabanayaa noloshoodii.

Haddaba, dadka deegaanka maxaa looga baahan yahay. way fududahay in mashruuc la helo waanay dhib yar tahay in mashruuc la fuliyaa. hase ahaate waxaa loo baahan yahay sidee baa loo dareemayaa mashriicdan deegaanada laga fuliyay. sideebaa loo daryeelayaa ayaa mihiima.

Goobo badan oo aynu mashaariic ka fulino waxaa dhacda inay daryeel la’aan darteed ay u baaba’aan. waxaa leydinku yeedhay afartayada wasiirna halkan loo soo fadhiisiyay in leydinku wareejiyo mashaariicdii ay wasaaradda deegaanku ay fulisay in aad la wareegtaan dadyoga kala duwan ee ka kala socda deegaanadii mashruucani laga fuliyay”

“Waa mashruuc tijaabo ah taasi oo macnaheedu yahay wixii ma shaqeyn karaan mise ma shaqeyn karaan. Ma la sameyn karaa mise lama sameyn karo, markaa waxaa aynu hada ku guuleysaney in mashaariicdan World Bank Somaliland ka fulin karaan” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Leave a Reply