Wasiirka Hawlaha Guud oo iska Difaacay Warar laga Baahiyey

0
315

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa iska difaacay warar maalmihii ugu dambeeyay ay qorayeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshada oo aad loogu faafiyey .

Wasiir Qambi ayaa sheegay in aanay jirin buuur ku taalla Somaliland oo ay siiyeen shakhsi gaar ah, waxaanu sheegay in buuraha ku yaala guud ahaan Somaliland ay yihiin hanti ay leedahay dawladda Somaliland, isla markaana aanay jirin gobol iyo shakhsiyaad si gaar ah u sheegan kara lahaanshahooda.

Cabdirashiid Ducaale Qambi, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “wax buur ah oo aanu bixinay iyo buur aannu dad siinay iyo mid aanu cid ku casuunnay oo aanu nidhi qaado midna ma jirto. Buuro todoba ah, kuwo siddeed ah iyo kuwa sagaal ah, Buur aannu bixinay ma jiro.”

Wasiirka ayaa sheegay in la siyaasadeeday warqad uu u diray Maayirka degmada Berbera iyo isuduwaha wasaaradda hawlaha guud ee gobolka Saaxil, “waxa jirta waraaq aan qoray oo aan u diray Maayirka iyo isuduwaha Berbera. warqadaas oo ka turjumaysay in nin doonayey inuu dhagax laamiga lagu dhiso in uu ka sameeyo buur. balse ninkii meeshiiba wuu ka noqday, waxaanan wadnaa in aan buuraha xeer u samayno,” ayuu yidhi wasiirku isaga oo u waramayay telefashanka maxliga ah ee Eryal.

Wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ugu danbayn shaaca ka qaaday in buuraha Somaliland aanay lahayn goboladda ay ku yaalaan, balse ay dawladdu masuul ka tahay, waxaanu yidhi “buuraha ma laha reer Saaxil, Togdheer, Sanaag, Sool , Awdal iyo Maroodi-jeex toona. dawladda dhexe ayaa masuul ka ah, aniguna buur aan bixiyey oo aan hebelow qaado idhi ma jirto.”

Leave a Reply