Camuud oo Tababar Ugub ah u Furtay Barayaasha Jaamacadda

0
364

Diyaariye Daahir Xaddi

Waxa markii ugu horreysay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ka furmay tababar la xidhiidha habka wax dhigis barista macalimiinta jaamacadda Camuud, taasi oo ah tallaabo weyn oo jaamacadu hore u qaaday.

Tababarkan ayaa macalimiinta lagu carbinayaa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadooda wax dhigista, iyada oo tababarkan oo soconaya 8-19-ka Bishan August, ay duruusta bixinayaan bareyaal sare oo khibrad gaamurtay u leh nidaamka wax dhigis barista (teaching of learning).

Tababarkaasi waxa ka soo wada xaadiray dhammaan macalimiinta 13-ka kuliyadood ee jaamacadda Camuud lagu dhigo, waxaanu noqday mid xiiso leh, isla markaana bareyaashu kala korodhsadeen khibrad iyo waayo aragnimo ballaadhan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Cabdiqaadir Dhego-weyn ayaa sheegay in tababarkani uu jidka u xaadhayo horumarinta xirfada wax dhigista ee macalimiinta jaamacadda.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in wasaarad ahaan ay tababar noocan oo kale ah u furi doonaan bareyaasha dugsiyada dalka oo dhan. Waxa muddada tababarkani socdo si gaar ah diirada loo saari doonaa cashar gudbinta macalinka iyo qiimaynta ardayda.

Leave a Reply