Imaaraadka oo Dhisaya Dhuun Shidaal oo Isku Xidhaysa Casab iyo Addis Ababa

0
314

Addis Ababa (Dawan)- Raysal wasaaraha dawladda Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo kulan la yeeshay Wasiiru dawlaha dalka Imaaraadka Carabta u qaabilsan iskaashiga caalamka marwo Reem Al Hashimi, ayaa shaaciyay in ay labada dawladood ku heshiiyeen xoojinta maalgashiga iyo xidhiidhada dhinacyada badan ee labada wadan wadaagaan.

Dawladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa qorshaynaya, samaynta dhuumaha shidaalka qaada, kuwaasi oo isku xidhaya dekedda Casab ee dalka Eritrea iyo caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Heshiiskan ayaa lagaga dhawaaqay ka dib kulan dhexmaray raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyo marwo Reem Al Hashimy, wasiiru dawlaha dawladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan iskaashiga caalamka.

Kulanka ayaa sidoo kale la sheegay in lagaga hadlay qaababkii loo hirgelin lahaa heshiisyadii maalgashi ee hore loo dhameeyey, kuwaasi oo ay ugu muhiimsanayd, horumarinta hantida maguurtada ah iyo ceymiska.

Labada wadan ayaa sidoo kale ku heshiiyey diyaarinta daraasad la xidhiidha, sida loo dhisayo dhuun saliideed isku-xidha dekadda Casab iyo Itoobiya.

Wasiiru dawlaha Imaaraadka Carabta marwo Reem Al Hashimy oo kulankaasi ka dib, la hadashay wakaalada wararka FBC, ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabtu isha ku hayso fursadaha maalgashi ee laga heli karo Itoobiya.

Heshiiskan labada dhinac wada gaadheen ayaa la sheegay inuu fursad wanaagsan u yahay maalgashi Imaaraadka Carbtu ku sameeyo dalka Itoobiya, ayey raacisay.

Marwo Reem Al Hashimy ayaa sidoo kale la sheegay inay u gudbisay raysal wasaaraha Itoobiya farriin ay uga siday Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, amiirka Abu Dhabi, oo booqasho ku yimi dalka Itoobiya badhtamahii bishii June, ee sannadkan.

Leave a Reply