Ceel Afweyn (Dawan)- Wasiiro ka tirsan xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland iyo xubno ka mid ah guddidii nabadeynte colaaddii deegaanka Ceel Afweyn, ayaa shalay kormeer hawleed ku tegay deegaanadda Siiga-dheer, Sin-carro iyo Fadhi-gaab, oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.
Weftigan oo uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, waxaa xubno ka ahaa wasiirka xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Xasan Maxamed Gaafaadhi, wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Boos Mire Maxamed, xildhibaanno, sulaadiin, boqoro iyo waxgarad kale.
Xubnaha weftigan ayaa markii ay gaadheen deegaannadaasi waxay dadweynaha ku dhaqan magaalooyinkaasi ay kala hadleen meel fagaar ah, waxaanay dadweynaha ku boorriyeen in ay fuliyaan oo ay sidoodii u qaataan go’aamadii ay soo saartay guddida nabadaynta colaaddii Ceel Afweyn oo ay oo ay fuliyaan dhaartii.
Wasiirka wasaaraddas xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Xasan Maxamed Gaafaadhi oo ugu horrayn isagu goobtaasi ka hadlay ayaa bulshada ku wargeliyay in aanay jirin meel looga leexdo nabadgelyadii labada dhinac ay wada qaateen, waxaanu yidhi “Halkaa aynu deganahay wax Allaale wax yaala oo nolola oo la yidhaaho kani ha joogo kanna ha ka maqnaado iyo kan aynu ka riixno oo halkaasi yaalaa ma jiro.
Nabadgelyaddaas la qaatay maanta meel looga leexdaa ma jirto, wax dhaama oo aynu ognahayna ma jiraan. mar haddii ay culimadii xukuntay oo kitaabkii Illaahey lagu saleeyay oo lagu sargooyay, meel looga leexdaa ma jirto, wax lagu doorsadaana ma jiro. qofkii taasi diidaanaa waa qof Illaahey diiday. intii dhimatayna Illaahey how naxariisto.”
Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed oo isna hadal kooban ka jeediyay fagaarihii ay dadka kala hadlayeen, ayaa bulshada labada dhinac ka codsaday inay is dhex-galaan, iyaga oo isu laab xaadhan, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsannahay sidaad nabada u qaadateen. Culimadii waddanka oo dhan baa yimid, go’aamo ayay soo saareen, waxaanu aad ugu rajeynaa in sideeda loo qaato. awaamiirtii xukuumadda ee ka danbeysayna waa ay idin soo gaadhay. Markaa waa in aad si niyad ah u qaadataan oo aanay wax xumaan ahi ka iman oo aad is dhex-gashaan.”
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed , ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Garnaqii iyo gabagabadii go’aankan ay soo saareen ergadii ka timid Saylac, Sanaag iyo Sool, ee dhamaan gobolada dalka ka yimid, maanta laba ayay mid noqoneysaa.
In dadkaas reer Somaliland ee aad la nooshihiin, la dhaqan tihiin ee aad ka tirsan tihiin ay karaamo darro idinku soo eegaan oo inkaartoodu idinku dhacdo iyo inaad go’aankii la soo saaray qaadataan oo sheekh iyo shariif ba idiin soo duceeyaan.
Markaa, ma inkaarta ayaa la qaadanayaa, mise ducada ayaa la qaadanayaa. Insha Allaahu Illaaheyna waa uu inoo soo celinayaa, culimadda ducadoodii iyo waanadoodiiba waynu qaadanaynaa.”
Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Odayaasha, waxgaradka, haweenka, dhalinyarada iyo waayeelka deegaankaasi ee labada dhinac. Kuwaasi oo ku dhawaaqayay iaga oo gacmaha is heysta “Shuushow bax, sharow guur.”