Hargeysa (Dawan)- Ha’yadda Duulista iyo madaarada Somaliland, ayaa si rasmi ah ula wareegtay dhammaan shaqaalaha ammaanka iyo waaxda wajahadda gadiidka la dhigo ee loo yaqaanno baarkinka ee madaarka Hargeysa oo ay ku jiraan maamulka iyo masuuliyinta shirkadaha SRM iyo Epass.
Maareeyaha ha’yadda duulista iyo madaarada Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol, ayaa faray shaqaalaha u shaqaynaayey shirkadaha gacanta ku hayey ammaanka madaarka iyo wajahadda gadiidka la dhigo in ay si toos ah u hoos tagaan xafiiska agaasimaha waaxda ammnigga ee ha’yadda duulista.
Waxa sidaasi lagu sheegay war-saxafeed ka soo baxay xafiiska mareeyahay duulista iyo madaarada Somalialdn Cabdi Maxamed Rodol, warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan. “anniga oo tixraacaya wareegtadda madaxweynaha ee sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222 ee ku taariikhaysan 11/8/2018 ee nuxurkeedu ahaa laaldida heshiishyadii hore loola galay shirkadihiinna.
Haddaba, waxa aan farayaa dhammaan masuuliyiinta, maamulka iyo shaqaalaha shirkadaha SRM iyo Epass in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 12/8/2018 ay hoos tegayaan xafiiska agaasimaha waaxda ammnigga ee ha’yadda duulista iyo madaarada jamhuuriyadda Somaliland. Sidaasi darteed waxa laydin farayaa in amarkaas aad sidiisa u fulisaan.”
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa laba cisho ka hor gacanta dawladda si rasmiya ugu soo celiyey Haamaha shidaalka Berbera, ammaanka madaarka Hargeysa iyo wajahadda gadiidka la dhigo ee madaarka oo gacanta ugu jiray shirkado gaar loo leeyahay. wuxuuna amaray in la soo xaqiijiyo dhaqaalaha ay shirkadahaasi geliyeen goobahaas iyo dhaqaalaha ay iyagu ka haleen.