Jigjiga: Hoggaamiyaha Xisbiga Dimoqaraadiga Itoobiya oo la Doortay

0
309

Addis Ababa (Dawan)- Wasiirkii isgaadhsiinta dawladda federaaalka Itoobiya Axmed Shide, ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha xisbiga dimuqaraadiga Soomaalida Itoobiya. ka dib shirar maalmihii la soo dhaafay ka socday magalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi.

Ahmed Shide ayaa xilkan kala wareegi doona madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda ku jira gacanta hay’addaha ammaanka dalkaas oo horraantii todobaadkii ina dhaafay ay ciidanka federaalka dalkaasi ay ka qabteen magaalada Jigjiga.

Saraakiisha ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in muddada guddoomiyaha cusub uu talada haynayaa ay tahay illaa xilliga la qabanayo shirweynaha xisbiga dimoqoraadiga Soomaalida Itoobiya ee Kililka shanaad.

Axmed Shide ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn ugu dhaw raysal wasaaraha Itoobiya Abiy xhmed, waxaana ay u muuqataa in magacaabistiisa ay meesha ka saari doonto siyaasadii muddada dheer uu xisbigaasi ku soo hoggaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhawaan mar uu warbaahinta la hadlay wasiir Axmed Shide, waxa uu ku sababeeyay fara-galinta ciidamada Itoobiya ee dawlad deegaanka Soomaalida, mid ka dhalatay dhibaatooyin is dabajoog ah oo ay abuureen sida uu hadalka u dhiggay mas’uuliyiinta maamulkii hore ee kililka shanaad.

 

Leave a Reply