Weedha Wargeyska

0
743

 

Go’aankii Madaxweynaha: Tallaabo Qarannimada soo Nooleysay

Tallaabadani waxay tusaale u tahay in madaxweynuhu qaranka u hoggaaminayo berri maanta ka fiican
Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo xilka qaranka hayay, isla markaana dalka hoggaaminayay laba boqol iyo siddeetan caano-maal (240 maalmood), oo ka soo bilaabmay maalintii xilka loo dhaariyay, ayaa soo saaray go’aan dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba laga soo dhaweeyay.

Go’aanka madaxweynuhu soo saaray, ayay dhammaan bulshada reer Somaliland, si midaysan isugu garab taageen, isla markaana ugu bogaadiyeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo aanay u kala hadhin, mucaarid iyo muxaafid.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa gacanta dawladda ku soo celiyay, soona saaray go’aan madaxweyne oo ay dowladdu dib ugula wareegayso, isla markaana gacanta xukuumadda dib loogu soo celinayo, Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera, ammaanka madaarka caalamiga ah ee Cigaal iyo barxadda gaadiidka la dhigo (baarkinka) ee madaarka Hargeysa, oo ay intaba ay gacanta ku hayeen shirkado gaar loo leeyahay oo hore loogu wareejiyay.

Wareegtada Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in danta qaranku ay ku jirto in ay dawladdu maamusho, lana soo noqoto hantidan qaranka oo ilduuf sharci ku jiro habka loo wareejiyay.

Go’aanka madaxweyne Muuse, waxa kale oo lagu iftiimiyay in aanay shaqo waayayn ama aanay meesha ka baxayn dadkii shaqaalaha ka ahaa dhammaan hantida qaran ee lagu soo celiyay gacanta dawladda.

Go’aanka Madaxweynuhu soo saaray ayaa u dhignaa sidan.

1) In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha shidaalka (BOG), adeegga amniga madaarada (SRM), iyo adeega baarkinka madaarka Cigaal (EPASS).

2) In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii haamaha shidaalka ee Berbera, amniga madaarka caalamiga ah ee Cigaal, iyo adeegga baarkinka madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.

3) In wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska, wasaaradda horumarinta maaliyadda, hanti-dhawraha guud ee qaranka, xisaabiyaha guud ee qaranka iyo hay’adda duulista hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen haamaha shidaalka Berbera, amniga madaarkada caalamiga ah ee Cigaal iyo baarkinka madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.

4) In wasaaradaha iyo hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

5) In shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.

Go’aanka madaxweynuhu qaatay ayaa noqday mid uu kaga jawaabay dareen shacbiga ku jiray iyo tallaabo ay ka sugayeen in uu ku dhiirado hoggaamiyaha qaranku, waxaanay bulshadu ku bogaadiyeen madaxweynaha la soo noqoshada hantida qaran ee uu gacanta dawladda ku soo celiyay.

Tallaabada xukuumaddu kula soo noqotay haamaha kaydka shidaalka ee Berbera iyo ammaanka iyo baarkinka madaarka caalamiga ah ee Cigaal, ayaa waxaa ka hadlay dadweyne kala duwan oo ku kala nool gobolada dalka. dadkaasi oo isugu jira siyaasiyiin, abwaanno iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilladda oo ka kala tirsan xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Waxa kale oo ka hadlay dadweyne kale oo badan oo ku tilmaamay go’aanka madaxweynaha mid soo nooleeyay qarannimadii Somaliland, isla markaana gacanta dawladda ku soo celiyay hanti bulshadu u baahantahay in ay dawladdu u maamusho.

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, oo ka mid ah suugaanyahanka reer Somaliland oo arrintan ka dareen celiyay, ayaa yidhi. “aad ayaan u soo dhawaynayaa tallaabada madaxweynuhu qaaday ee uu gacanta dawladda ku soo celiyay ammaanka iyo baarkinka madaarka caalamiga ah ee Cigaal iyo haamaha kaydka shidaalka ee Berbera.”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiiladda Somaliland ee ka tirsan xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa dhankiisa madaxweynaha ku bogaadiyay ku soo celinta gacanta dawladda Haamaha kaydka shidaalka, ammaanka madaarka iyo baarkinka madaarka caalamiga ah ee Cigaal.

Haddaba tallaabada madaxweynaha qaranku qaatay ayaa noqotay tii ugu taageerada badnayd ee ay isku garab taagaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, iyada oo aan loo kala hadhin muxaafid iyo mucaarid.

Waxaanay tallaabada hoggaamiyaha qaranka Somaliland uu qaatay ay noqotay mid qaranka midaysay oo soo noolaysay dawladnimada. isla markaana meesha ka saartay hadal hayntii bulshada ee ahayd xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland mid waliba hantida qaranka ayay iibinaysay ama cid gaar ah siinaysay oo hantidii guud ee dalka waa la wada bixiyay.

Haddaba maanta dawladda Somaliland, gaar ahaan xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Muuse waxay noqotay xukuumaddii ugu horraysay ee hanti qaran oo shirkado gaar ah lagu wareejiyay la soo noqotay, caddaysayna in hantida qaran ee bulsahda loogu adeegayo in loo baahan yahay in ay dawladdu maamusho oo si siman umadda loogu adeego, cid gaar ahina aanay ka faa’iidaysan hanti qaran oo la wada leeyahay.

Taas oo muujinaysa in masuuliyadda hanti qaran oo ummaddu wada leedahay uu xil ka saran yahay dawladda Somaliland, isla markaana cidda keliya ee gacanta ku hayn karta, bulshadana si siman ugu adeegi kartaa Iyana ay kalsooni ku qabi karaan ay tahay xukuumaddooda.

Waana sababta uu madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, gacanta dawladda ugu soo celiyay Haamaha kaydka shidaalka Berbera iyo ammaanka madaarka caalamiga ah ee Cigaal Airport.

Bulshada Somaliland oo baratay ama soo arkaysay xukuumadihii kala dambeeyay oo wareejinaya qaybo badan oo ka mid ah hantida qaranka, ayaa si weyn ugu diirsaday markii uu soo baxay go’aanka madaxweynahooda oo dib gacanta dawladda ugu soo celiyay hanti qaran oo ay lagama maarmaan tahay in dawladdu ay maamusho.

Dadweynaha dareenkooda ka dhiibtay arrintan waxa ka mid ah, Oday Cali Ismaaciil Yuusuf oo wargayska Dawan wax ka waydiiyay, waxaanu yidhi. “xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland midiba wax bay wareejisay oo ay ka saartay gacanta dawladda.

Waxaan is lahaa tolow madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isna muxuu bixin doonaa oo waxaan ka werwersanaa inta gacanta dawladda ku hadhay in uu bixiyo, laakiin waxaan ku diirsaday oo yididiilo qaran i gelisay oo rejada aan ku qabo hoggaaminta madaxweynaha soo noolaysay tallaabada uu qaaday iyo soo celinta ammaanka iyo baarkinka madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa iyo haamaha kaydka shidaalka ee Berbera.

Aniga waxa iigu sii farxad badnayd ku soo celinta gacanta dawladda ammaanka madaarka. Sababta oo ah waxaynu ku naalaa mandaqad xaasaasi ah oo Somaliland ay ugu ammaan badan tahay, suura galna may ahayn in ammaanka madaarka shirkad gaar loo leeyahay ay maamusho. haamaha shidaalkana waynu ogayn dhibaatadii ka dhalatay markii wax aan sax ahayn lagu shubay oo waa tiii baabuurtuba innaga wada fadhiisan gaadhay. Markaa waa go’aan hoggaamineed oo aan ku taageersanahay madaxweynaha, waxaanan u arkaa in uu go’aan caddaaladeed qaatay.”

Ugu dambayn, madaxweynaha ayaa jawaab cad oo ficil ah kaga jawaabay dareenka bulshadiisa iyo waxay laabtoodu doonaysay oo uu fuliyay, kuna tallaabsaday. waana tusaale uu ku tusay bulshadiisa in uu qaranka u hoggaaminayo berri maanta ka fiican. Waxaana isaga oo talada dalka hayay 240 maalmood uu si rasmi ah gacanta dawladda ugu soo celiyay hanti qaran oo ilduuf sharci ku baxay.

Leave a Reply