Xildhibaanno Taageeray Go’aankii Madaxweynaha Somaliland

0
302

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa soo dhaweeyay go’aankii xukuumadda kula soo noqotay gacan ku haynta maamulka haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera iyo amniga maamulka barxadda gaadiidka la dhige ee madaarka diyaaradaha ee Hargaysa.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo shalay si wada jir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa ku tilmaamay in ay tahay tallaabo hore loo qaaday go’aankii xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku laashay heshiiskii shirkadihii gacanta ku hayay haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera iyo baarkinka madaarka Hargaysa.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa waxa uu sheegay in ay tahay tallaabo geesinimo leh go’aanka xukuumaddu kula soo wareegtay haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera iyo baarkinka madaarka Hargaysa, waxaanu yidhi “Waan ku hambalyaynayaa madaxweynaha tallaabooyinkaa geesinimada leh ee uu qaaday ee uu gacanta dawlada ku soo celiyay haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera iyo baarkinka madaarka Cigaal ee Hargaysa.

Go’aankan iyo tallaabadan uu qaaday madaxweynaha Somaliland, waxay ka mid tahay waxyaabo laga sugayay. wixii qaldan waa la saxayaa, waana in lagu taageeraa tallaabooyinka wanaagsan ee uu madaxweynuhu qaaday”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil, ayaa isaguna soo dhaweeyay go’aankan xukuumadda kula soo noqotay haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera iyo baarkinka madaarka Hargaysa. waxaana uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland waan ku hambalyaynayaa tallaabadaa geesinimada leh ee uu kula soo wareegay maamulka haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera iyo Baarkinka madaarka Hargaysa.

Arrintani waa tallaabo dhinaca fiican loo qaaday oo dadku sugayeen in gacanta dawlada lagu soo celiyo. Waan ku taageersanahay madaxweynaha, waxa kale oo khatar ku ah dekeda iyo magaalada Berbera haamaha kale ee shicibku ka samaysteen dekeda Berbera. waxaana ay ahayd in 15 kiiloomitir laga saaro magaalada Berbera”.

Sidoo kale xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa isaguna soo Sdhaweeyay go’aankan xukuumadda kula wareegtay maamulka haamaha kaydka shikidaalka ee Berbera, waxaana uu ku tilmaamay in ay tahay tallaaabo hore loo qaaday oo loo baahnaa.

Leave a Reply