0
367

Shil Sababay Dhimasho iyo Dhawaac oo ka Dhacay Gabiley

 

Gebiley (Dawan)- Alle ha u naxariistee waxaa shil gaadhi ku geeriyooday afar ruux, lix kalena way ku dhaawacmeen, kaasi oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Gabiley, sida warbaahinta u sheegay agaasimaha cisbitaalka Gebilay oo la soo gaadhsiiyey dadka ku dhaawacmay shilkaas.

Agaasimaha cisbitaalka degmada Gabiley, Dr. Ridwaan Maxamed Cali, ayaa sheegay in shilka ay ku dhinteen afar qof oo iskugu jiray rag iyo dumar. isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa dhacay maanta (shalay) abbaaro 11 subaxnimo shil baabuur oo ka dhacay carro tuulka, shilkaasi waxa uu ahaa toban qof oo kala ah afar dhimasho ah oo laba rag yihiin, labana dumar ay yihiin, iyo lix qof oo dhawaac ah oo aan u gudbinay cisbitaalka guud ee Hargeysa.”

Talyaha qaybta booliska ee degmada Gabiley Ganshaale sarre Axmed Siciid Maxamed ayaa sheegay in baabuurka oo u socday xoog uu u baxay taayir kaaso oo sababay in gaadhigu rogmado “gaadhigaasi waxa uu ka yimid Wajaale waxaanu ahaa baabuur Noah ah, waxa darawal ka ahaa Marxuum Cadnaan Abokor Faarax, sida ay laanta socdaalka wadooyinku noo xaqiijisay waxa u baxay taayir xawlina wuu u socday sidaa darteed waxa uu sameeyey rafasho badan “ ayuu yidhi.

Shilalka ka dhaca gabiley ayaa kusoo beegmayaa xilli aanay degmadu lahay baabuurka gargaarka degdega ah ee loo yaqaan Ambulance kaasi oo haddii degmadu hesho qayb weyn ka qaadan lahaa samata bixinta dhaawacyada iyo bukaanka culus ee uu baahan gargaar caafimaad ee degdeg ah.

Leave a Reply