Wasiir Seed oo Fuliyey Qodob Ka soo Baxay Golaha Wasiiradda Somaliland

0
277

Xaaxi (Dawan)- Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa bilaabay qoddida 900 oo Higtar oo laga beerayo noocyada kala duwan ee dalagyada deegaanka Xaaxi ee gobolka Daad-madheedh, taasi oo ka soo baxday shirka khamiistii ee golaha wasiiradda Somaliland .

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed oo ay wehelinayeen wasiirrada wasaaradaha caafimaadka, maaliyadda, biyaha, warfaafinta, wasiir ku-xigeenka qorshaynta iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE, ayaa midhaha ama shinnada Dalagga beeristiisa la bilaabay ku daadiyey deegaanka Xaaxi, waxaana markaasi ka dib hawsha qodida bilaabay dhowr iyo toban Cagaf oo wasaaraddu halkaa hore ugu diyaarisay.

Munaasibad ballaadhan oo degmada Xaaxi Dudaheeda loogu qabtay daah-furidda mashruucan qaranka muhiimka u ah, ayaa wasiirka wasiirka horumarinta beeruhu ka sheegay in ujeeddada loo qodayo dhulka intaas leeg ay tahay in qaranku uu gaadho isku filaansho dhanka cuntada ah, taasi oo qayb ka ahayd qorshayaashii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu shacabka u ballan-qaaday xilligii uu ololaha doorashada ku jiray.

Wasiirrada wasaaradda maaliyadda, caafimaadka, biyaha, warfaafinta, wasiir ku-xigeenka qorshaynta iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo iyaguna halkaa khudbado shacabka uga jeediyey ayaa wasiir Axmed Muumin Seed iyo guud ahaan wawl-wadeennada wasaaradda beeraha ku amaanay horumarinta dhanka wax soo-saarka Dalka.

Dhinaca kale, xubno ka mid ah dadweynaha ku dhaqan deegaannada gobolka Daad-maadheedh, gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada Xaaxi, ayaa munaasibaddaasi hadal ka jeediyay, waxaanay aad u soo dhaweeyeen mashruucan lagu beerayo deegaanka Xaaxi.

Waxa xusid mudan in weftiga golaha wasiirrada ee Xaaxi u tagay daah-furka mashruuca beerista 900 ka boqol ee dhul-beereedka ah aad loogu soo dhaweeyay deegaannada ay socdaalka ku mareen intii ay ku sii jeedeen Xaaxi oo markii xafladdu dhammaatay loogu sameeyay casuumad-sharafeed soo dhaweyn ahayd.

Leave a Reply