Wasiirka Maaliyadda oo Sheegay in Cashuurta Dalka Gudihiisa ay Waajib Tahay Hal Mar

0
477

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa meesha ka saaray in alaab keliya laba meelood oo dalka gudihiisa ah cashuur lagaga wada qaadi karo, taas oo uu caddeeyay in ay sahrci darro tahay isla markaana cid kasta oo ku kacda arrintaasi ay baal martay sharciga dalka.

Waxaa kale oo uu ka hadlay ballaadhinta iyo ku fidinta dalka ee xafiiska cashuuraha berriga oo uu tilmaamay in uu udub dhexaad u yahay dhaqaalaha dalka xafiiska cashuuraha berrigu.

Waxaanu sidaa ku sheegay wasiirku munaasibad uu shalay ku furayay xafiiska cashuuraha berriga gobolka Daadmadheedh oo lagu qabtay xarunta xafiiskaas ee magaalada Oodweyne.

Ugu horrayn wasiirka oo jawaab ka bixinayay cabasho dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah ganacsadata reer Somaliland oo sheegay in alaabooyinka degmo lagaga cashuuro in magra ay gobol kale u gudubto in cashuur lagaga qaado, waxaanu yidhi. “Beryahan dambe waxaa warbaahinta ku soo noq noqonaysay badeecad dalka gudihiisa meel ka mid ah lagu cashuuray ama deked ha noqoto ama meelaha xuduuda ah ha noqotee oo degmooyin kale cashuur lagaga qaaday mana dhici karto mana dhici doonto. xeerka 12 iyo xeerka 23 ee gobolada iyo degmooyinka iyo xeerka kastmada ee 73 ee 2016-kii. waxay dhammaantood tilmaamayaan in degmooyinka iyo tuulooyinka dalku badeecad meellagu soo cashuuray aan meelkale cashuur lagaga qaadi karin cid kastana sharciga ayaa ka wayn oo ka sarreeya sharciga ayaana lagu dhaqmayaa.”

“Dawladda ujeedadeeda koobaad waxaa weeye in maamulka dawliga ahi uu fido oo uu meelkastaba gaadho, qof waliba wuxuu goosto ayunbuu beertaa, xafiiskan cashuuraha berrigu waa xafiisyada ugu muhiimsan ee ay umaddi leedahay ala hore dakhligeenu wuxuu ku tiirsanaa kastamada laakiin waxaanu doonaynaa oo qorshahayagu uu yahay in aanu ku tiirsanaan kastamada ee uu ku tiirsanaado cashuuraha berriga,sidaa darteed ayaanu gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan uga furaynaa xafiisyada cashuuraha berriga. Guud ahaan bulshada gobolka Daadmadheedhna waxaan u soo jeedinayaa in ay lashaqeeyaan xafiiska cashuuraha berriga oo maanta(shalay) laga bilaabo furan oo shaqaynaya oo shaqaalihii qaybi imikaba idinla joogto hawl wadeenno khibrad lehna aanu u soo xullay oo aad cashuurta bixisaan.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay u qorshaysan tahay in ay gobolada iyo degmooyinka kale ee dalka oo dhan gaar ahaan deegaanada bariga in ay gaadhsiiyaan xafiisyada cashuuraha berriga, waxaanu yidhi. “waxaa noo qorshaysan in aanu xafiisyada cashuuraha berriga gaadhsiino degmooyinka iyo gobolada dalka oo dhan dhawaan waxaan xafiisyo ka furaynaa degmooyinka Caynaba iyo Buuhoodle oo uu deg deg uga shaqo geli doonaa xafiiska cashuuraha berrigu.”

Leave a Reply