Hargaysa (Dawan)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa xukuumadda u gudbiyay qoraal ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo golahooda xeerka jinsiga iyo kufsiga oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wakiiladdu, isla markaana ay gudbiyeen madaxtooyadda.
Xeerkan jinsiga iyo kufsiga oo golaha guurtida Somaliland hore wax ka beddel iyo kaabis ugu sameeyay, kaasi oo mar kale dib ugu soo noqday golaha wakiiladda oo wax ka bedelay qodobo ka mid ah xeerkaasi.
Xubno ka mid ah xildhibaanada golahaasi guurtida ayaa wargayska Dawan u xaqiijiyay in golahoodu uuu madaxtooyadda Somaliland u gudbiyay qoraal ay ku codsanayaan in dib loogu soo celiyo golaha guurtida xeerka jinsiga iyo kufsiga.
Qoraalka golaha guurtida Somaliland uu u gudbiyay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in qodobo ka mid ah xeerkani ay ka hor imanayaan dastuurka dalka, gaar ahaan qodobadda 77aad, qodobada 78aad iyo qodobka 5aad xarafka (T).
Sidoo kale, xildhibaanadan oo dalbaday in aan magacooda la shaacin ayaa sheegay in sidoo kale ay xeerkan cabasho ka soo gudbiyeen wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland. kuwaasi oo la sheegay in ay cabasho ka muujiyeen qodobadda ka hadlaya da’da lagu guursan karo hablaha ee ku jira xeerka jinsiga iyo kufsiga. Qodobadaasi oo ay ku naqdiyeen in ay ka hor imanayaan diinta Islaamka.
Maaha markii ugu horraysay ee labada gole (golaha wakiilladda iyo golaha guurtida) ay isku khilaafaan xeerarka jinsiyada iyo kufsiga ee ay ansixyaan.