Wasaaradda Isgaadhsiinta oo Wadda Hirgalinta Adeegii Boosaha Somaliland

0
340

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo technologyada Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi (Suufi) ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay wadaan hirgelinta adeegii boosaha Somaliland.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay kulan aqoon korodhsi ah oo ay wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda Somaliland u qabatay ardayda cilmiga saxaafadda ama warbaahinta ka barata jaamacadda Hargeysa.

Kulankani aqoon korodhsiga ah, waxaa soo abaabulay iskuna soo duba riday guddoomiyaha ururrka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, mudane Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto). Waxaanu ka qabsoomay hoolka shirarka ee wasaaradda isgaadhsiinta iyo technologyadda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajadda Eng. Cali Cabdillaahi Daahir oo ugu horreyn kulankaasi hadal ka jeediyay, ayaa faafhaahin ka bixiyay hawsha ay wasaaraddoodu qaranka u heyso waxaanu yidhi “Wasaaraddu waxa ay ka kooban tahay laba waaxood. Wasaaradda magaceeda cusubi waa wasaaradda isgaadhsiinta iyo ticnologyada.”

Eng. Cali Cabdillaahi Daahir, waxa uu intaasi raaciyay “Ujeedkeedu waxa weeye in ay qaranka uga masuul noqoto wixii isgaadhsiin iyo macluumaada. Waa waaxda isgaadhsiinta oo wixii isgaadhsiin ee qaranka ku hawlan. Waaxda ICT-da oo iyaduna qaranka uga masuul ah wixii ICT-ya iyo waaxda boosaha qaranka, waaxda shaqaalaha, waaxda maamulka iyo lacagta, waaxda xidhiidhka guud.”

Agaasimaha guud waxa uu sheegay in wasaaradda isgaadhsiintu ay tahay wasaarad halbowle u ah horumarka qaranka Somaliland, waxaanu yidhi “Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyaddu waa wasaarad halbowle u ah qarankeena Somaliland ee curdinka ah ee aynu dooneyno in uu la jaan qaado caalamka, waa baalasha uu qarankani ku duulayo.

Warbaahin la’aan lama socon karo, xog la’aanna lama socon karo, markaa ardayda waxaan leeyahay warbaahintii ayaad tihiin, cidda gudbineysa xogta ayaad tihiin, cidda qaadeysa ayaad tihiin shaqada aanu heyno. Markaa Insha Allah hawlaha qaranka aanu u heyno kuwii bulshada u gudbin lahaa ayaad tihiin.”

Gudoomiyaha ururrka suxufiyinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo isna madashaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa masuuliyinta wasaaradda uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay ardayda uga ajiibeen codsigoodii, waxaanu yidhi “Waanu uga mahad celineyna wasiirka oo naga aqblay in ardayda loo qabto kulankan aqoon korodhsiga ah. Maadaama ay wasaaraddu qaranka masuul uga tahay isgaadhsiingta iyo tiknoolojiyada, waana dadaal ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA uu wado oo kor loogu qaadayo aqoonta wariyayaasha, waana wasaaraddii saddexaad ee khuburadda joogta ay uga faa’ideeyaan wariyayaasha aqoonta iyo khibraddooda.”

Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto waxa uu intaasi ku daray “wasaaradda isgaadhsiin iyo tiknoolojiga, waxaa noo dheer, xirfadii ay suxufiyiintu ku shaqeysanayeen oo ay caqabadi kala soo daristay shirkadaha isgaadhsiinta ee waddanka.

Shirkadahaasi isgaadhsiineed oo aanu u aragno in aan laga maarmeyn oo aad moodo in tiknoolajiyaddu ay saamaxday in ay isa soo galaan mihnaddii saxaafadda, taasi oo saameyn ku yeelatay wariyayaashi iyo adeegii warbaahinta. Markaa in ay wasaaraddu wixii caqabado ah ee jira ay wax ka qabato una wada shaqeyn lahaayeen”

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi (Suufi) ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan hirgalinta adeega boosha Somaliland waxaanu yidhi “Hawsha aanu wadnaa waxa ay tahay hirgalinta adeega boosaha ee jamhuuriyadda Somaliland iyo in aanu laamaha dawlada u kala qaadno xogta.

Waxyaabaha noo qabsoomeyna waxaa ka mid ah, helidda nidaamyada qalab lagu joogteynayo, dib u eegista lagu sameynayo kaabayaasha sharici ee isgaadhsiinta (ICT).

Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi (Suufi), waxa kale oo uu sharraxay adeegyada ay wasaaraddani qaranka uga masuulka tahay, waxaanu yidhi “Wasaaraddani waa wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ee qaranka. Adeegga laba ayuu noqon karaa, in la maamulo oo la hago oo la mideeyo shirkadaha ka shaqeeya qaybta isgaadhsiinta iyo sidoo kale in la bixiyo adeeggii isgaadhsiinta ee tiknoolojiga.

Waxa kale oo aannu u mahad celineynaa ururka suxufiyiinta ee SOLJA oo soo qaban qaabiyay kulankani, wacyigalin wasaaradda u qorsheysan ayuu barnaamijkani u noqon doonaa bilow warbaahinta iyo tiknoolajiyadda oo isa soo gala.”

 

Leave a Reply