“Puntland Waxaan Leeyahay Haddaad Kibirka Joojin Weydaan Waa la Idin Kibir Jebin” Siciid Sulub

0
375

Hargeysa (Dawan)- Siyaasi Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadaladda ka soo yeedhaya maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo adeegsanaya hadalo ay reer Somaliland dacaayad iyo kaftan isugu yeedhaan.

Siciid Sulub Maxamed waxa uu sheegay in hadallo kaftanka ah ee ka dhexeeya ummada Somaliland uu maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya doonayo in ay ku kala qaybiyaan bulshada Somaliland, taas oo uu sheegay in ay ku lug go’ayaan oo ay dacaayadda iyo kaftanka gudaha u qaateen wax run ah.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in Somaliland ay mid qudha tahay, isla markaana meel looga soo wada jeedo difaaca qaranka mucaarid iyo muxaafidba. Waxaanu intaa raaciyay in ciidanka qaranka Somaliland awood u leeyahay difaaca qaranka .isla markaana cid kasta oo kibir ula timaada qaranka Somaliland ay kibir jebinayaan.

Siyaaasi Siciid oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “ALLE colaadaha jira heynaga demiyo. Arrinta Tukaraq haddii xukuumadda Somaliland ay ku baaqday nabadgelyo, Puntland heyska qaadato nabadgelyada wax dhaama helimeysee. Waxaan leeyahay reer Puntladnow xisaabo khaldan ayaad isu geysateen, muranada iyo dacaayadaha dhexdayada jira ee Jeegaan iyo waxaad shubeysaan ha ku lug go’ina.”

Mudane Siciid Sulub Maxamed waxa uu sheegay in reer Somaliland ay dhammaantood wada difaacanayaan dalkooda haddii weerar lagu soo qaado, waxaanu yidhi “Dalkayaga waanu wada difaacaneynaa, waanan wada leenahay, waxaad yeeshaan nabadda wax idiin dhaama helimeysaane nabadgelyada qaata, ciidamada qaranka Somaliland ee jiidda hore joogaana way ka adag yihiin difaaca qaranka. dalkiinii iyo ciidiinii oo nabadgelyo ah ayaad joogtaan, xuduudihiini ayaad hoos joogtaan wiilashaa kibrayaa haddii ay kibirka joojin waayaan wax ay ku samraan oo kibir jebiya ayay la kulmi doonaan.”

Leave a Reply