Taliye Taani oo Digniin Kama Dambays ah u Diray Puntland

0
367

Hargaysa (Dawan) Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ciidamada qaranku ku filan yahay difaaca xuduudaha Somaliland, iyo iska caabbinta cadaw kasta oo dalka ku soo duula.

Taliye Taani waxa kale oo uu maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland u soo jeediyay in ay ka waantoobaan colaadda ay ku dhawaaqeen oo uu tilmaamay in aanay guul ka gaadhayn. Waxaanu caddeeyay taliyaha ciidanku in Somaliland ay nabad diyaar u tahay, isla markaana aanay cidna duullaan ku ahayn, laakiin ay mar walba diyaar u yihiin in ay dalkooda difaacaan, kuna filan yihiin difaaca qaranka.

Waxa kale oo uu hambalyo u diray munaasibadda ciidal adxa awgeed guud ahaan ciidanka qaranka, xaasaskooda iyo carruurtooda, meelkasta oo ay joogaan. Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay telefiishanka Bulsho.

Taliye Taani oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi.“Waxaan salaan iyo hambalyo u dirayaa ciidanka qaranka meel kasta oo ay joogaan, xaasaskooda iyo carruurtooda, munaasibadda ciidal-adxa awgeed, gaar ahaan ciidanka qaranka ee jiidda hore. Waxaan leeyahay ku ciida caafimaad iyo barwaaqo, ciiddan ciideeddana waxaan ALLE uga baryayaa in uu nabad iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.

Taliyaha oo jawaab ka bixinyay hanjabaado ka soo yeedhayay maalmihii u dmabeeyay maamulka Garoowe, ayaa yidhi. “anagu (Somaliland) hanjabi mayno, madaxweynuhuna nabad ayuu ku baaqay, anaguna nabad ayaanu ku baaqaynaa. Laakiinse waxaan u sheegaynaa ninkii na soo doonta isaga ayaa yaqaana waxa uu ka helayo, cid looga baqayaana ma jirto. cid kastaba ha ahaado ciidan ku filanna waanu leenahay oo diyaar u ah difaaca dalka iyo sugidda xuduudaha qaran ee Somaliland. iminka ciidanka jiidda hore nabad ayuu ku joogaa halkiisii, heegan iyo hawl u joog ayaanu yahay mar kasta ciidanka qaranku.”

Leave a Reply