Axmed Silaanyo oo Gurigiisa ku Booqday Siyaasi Cali Sandulle oo Xaalad Caafimaad u Jiifa

0
342

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa shalay gurigiisa ku booqday wasiirkii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, Cali Maxamed Sandulle oo muddo lix bilood ah xaalad caafimaad u jiifa hoyga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa.

Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo booqashadiisa ay ku weheliyaa safiirka Somaliland ee dalka Kenya, danjire Baashe Cawil iyo guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Muuse Xasan Yuusuf iyo xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac, ayaa dhammaan si midaysan Illaahay uga baryey in uu ugu deeqo caafimaad waara.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo warbaahinta maxliga ah kula hadlay hoyga uu degan yahay siyaasi Cali Sandulle ayaa yidhi “Waxa aannu soo siyaarranay Cali Sandulle oo xanuusanaayey, waxa aan Illaahay ugu baryeynaa in uu caafimaad sareecan ah siiyo, waa shakhsi weyn oo ummadda iyo qaranka ba wax weyn ugu fadhiya Illaahay caafimaad sareecan ah ha siiyo.”

Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa dhinaciisa ka warbixiyey sababta xilligan ku soo beegay booqashadooda waxaana uu yidhi “Xalay markii uu Madaxweyneheeni hore Axmed Siilaanyo daawaday telefiishanka ayuu ku arkay, saaka ayuu yidhi iigeeya aan soo eeggeee, waa raggii hore ee ila shaqayn jiray ee aan u soo duceeyee, markaa sidaas ayaanu ugu nimid Illaahay ha caafiyo ayaanu leenahay.”

Leave a Reply