Bulshadda Deegaanka Lafta Tiinka oo Cabasho ka Muujiyay Baahiyo Kala Duwan oo ay Qabaan

0
320

Laftatiinka (Dawan)- Bulshoweynta ku nool deegaanka Lafta Tiinka oo magaalada Gabiley kaga beegan dhanka bari ayaa cabasho xooggan ka muujiyay dhibaato ay sheegeen in ay ka haysata baahiyaha aasaasiga ah.

Waxaanay dadweynahaasi xukuumadda Somaliland ee talladda wadanka haysa ugu baaqdeen in ay wax ka qabato baahiyaha kala gedisan ee haysta.

Dadka ku nool Lafta Tiinka oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in 27-kii sannadood ee Somaliland jirtay aanu jirin wax loo qabtay, isla markaana cashuurta laga qaado aanay jirin wax loogu qabto ama lagaga soo celiyaa.

Bulshadda ku nool degaanka loo yaqaano Lafta Tiinka oo Gabiley ka tirsan, waxay dhaliileen xildhibaanadda golaha degaanka Gabiley oo ay sheegeen in aanay waxba u qaban, oo aanay dib u arag, isla markaana ay ugu dambaysay markii ay codka ka doonayeen.

“Degaankani cid inta ay timid eegtay arrimaha bulshadda ee ay u baahan tahay, sida biyaha, caafimaadka, waxbarashadda ee aanu qabno ma jirto, aad iyo aad ayaananu ugu liidanaa.

7 KM ayay Gabiley noo jirtaa, xildhibaanadii golaha deegaanka ee aanu ku wareernay ee aanu is lahayn waxbay idiin qaban doonaan, oo xaaladiina ayay ka soo war dooni doonaan, maalin keliya ismaanaan arag, iyaga uun baa is haysta.

Waxaannu xukuumadda Somaliland ee talladda dalka haysa ka codsanaynaa inay deegaankan Lafta Tiinka hoos u eegto” sidaas waxaa yidhi mid ka mida odayaasha degaanka Lafta Tiinka oo warfidiyeenadda la hadlay.

Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi “Imika doox ayaa beerihii naga qaaday oo aanu uga tegaynaa, oo maalin dhaw in aanu magaaladda soo galo ayaaba laga yaabaa.

Dawlad hoose ma aragno, cashuur uun bay naga qaada, dadka wax laga qaado mooyee, wax dib loogu soo celiyaa ma jiro, waxba nagumay soo celin.

Tan iyo maalintii wadanka lagu soo noqday hal Berkad nalooma samayn, Berkadahayagii way wada jajaban yihiin, waxaa biyo noogu dhaw Ceelka Jameecadda la yidhaahdo, oo maalin walba ay baabuurtu xoolaha nagaga jiidhaan”.

Sidoo kale mid ka mid ahaa odayaasha degaanka Lafta Tiinka ee warbaahinta la hadlay ayaa isna sidan yidhi “Beerahayaga waa la canshuuraa, oo mar kasta waa nalaga qaadaa canshuurta, caanaha waa la canshuuraa, koobka islaantu iibgeyso waa la canshuuraa, carradda waa la canshuuraa, midhaha dhulka ka soo go’a waa la canshuuraa.

Xataa saxaarrada Tamaandhada ah ee magaaladda la geeyo waa la canshuuraa, haddana wax canshuurtaa nalagaga soo celiyaa ma jirto.

Haddii ay dawlad hoose tahay iyo hadday dawlad dhexe tahay ba, wax haba yaraatee degaanka Lafta Tiinka lagu soo celiyaa ma jirto. Wax-qabad ayaannu u baahan nahay”.

Leave a Reply