Daawo Tacabkii Dawlada Hoose ee Dayactirka Jidadka Caasimadda oo Noqday Halbacaad Lagu Lisay

0
295

Hargeysa (Dawan)   Maayirka caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco iyo mudanayaasha golaha deegaanka ayaa inta badan ku hawlan dayactirka iyo dib u habeynta jidadka halbowlayaasha u ah caasimada Hargeysa.
Waxaanay dayactir iyo dib u habeyn ku sameeyeen jidad badan oo halbowle u ah isu socodka gaadiidka u adeegada bulshaweynta ku nool gudaha caasimadda.

Dhismaha iyo dayactirka quruxda badan ee jidadkan lagu sameeyay ayay si weyn u soo dhaweeyeen bulshaweynta ku nool caasimadu.

Hadaba dayactirkaasi iyo dib u habeyntaasi lagu sameeyo jidadka caasimada waxaa inta badan meesha ka saara oo burburiya daadka ka soo rogmada roobabka ka da’a gudaha magaalada.

Taasina waxaa sabab u ah iyada oo marka ay dib u habeyn iyo dayactir ay wadooyinkii ku sameeyaan aanay u sameyn wax diriinayjisa oo biyaha dhaafiya jidkaa la sameeyay, waana ta keenta inta badan in cimrigii wadooyinku uu noqdo mid kooban oo markaaba burbur ku yimaado

jidkan hada idiin muuqdaa waa ka isku xidha xaafadda Idaacadda iyo Isgoyska Togdheer ee gudaha magaalada Hargeysa, waxaa ay masuuliyiinta dawlada hoose dayactir ku sameeyeen mudo hada laga joogo saddex bilood oo kaliya, imikana waxaa uu isu badaley goob aan indhaha dadku qaban karin, islamarkaan gaadiidka maraya laf ahaantoodu ay dirqi ku marayaan oo ay burburiyeen biyihi.

Sidaasi si lamida waxaa iyaguna wada burburay wadooyin badan oo sidan oo kale dayactir looogu sameeyay cimrigoodiina uu noqday, dayactirkasta oo lagu sameeyay mid aan sii waarin.

Halkan Ka Daawo

Leave a Reply