Madaxweynaha oo Kafaalo Qaatay Nolosha Agoon Waalidkood lagu Dilay Gobolka Sanaag

0
278

 

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kafaalo qaaday nolosha iyo korsiinta agoontii ay ka tageen Alle ha u naxariistee saddexdii nin ee lagu dilay shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Ceeryaanta ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa qasriga madaxtooda ku qaabilay oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil oo ah aabaha dhalay raggii ku dhintay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceeryaanta ee gobolka Sanaag, isla markaana dhibaatadaasi ku waayay saddex wiil oo uu laba ka mid ah dhalay, midna uu adeer u ahaa. 

Kulankaasi oo ahaa mid madaxweynuhu uu ugu horrayn ka tacsiyadeeyey geerida saddexda wiil oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil, sidoo kalena waxa uu u madaxweynuhu ka ballan qaaday oday Jaamac in xukuumadda iyo qaranka Somaliland ay la korinayaan ubadkii ay ka tageen saddexda marxuum, laga bilaabo maantana ay ka xukuumad ahaan kafaalo qaadeen, korinta, barbaarinta iyo waxbarashada ubadkaasi, balse aanu keli ku noqonayn daryeelkooda ee uu niyada u sheego in qaranku barbar taagan yahay mar walba, wixii hadda ka danbeeya.

Waxaanu madaxweynuhu oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil ku hambalyeeyey go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, kuna demiyey colaadii labada beelood ku dhex martay degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ee dhawaan la soo afjaray. 

Xubnaha kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey waxa ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

Leave a Reply