Madaxweyne Biixi oo Sheegay in uu Wada Hadal la Furayo Cid Kasta oo Wax Tabanaysa

0
332

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu wada hadal la furo cid kasta oo wax tabanaysa. Balse aanay xukuumaddiisu raali ka ahayn in qoriga la qaato.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu shalay ka jeedinayey jaamacadda Hargeysa oo ay ka qalin-jebinayeen arday tiro badan, waxaanu sheegay in xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay ay diyaar u tahay in ay xalliso dhibaato kasta oo dalka ka jirta.

Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhammaan waxaan qaatay wixii talo iyo tusaale ahaa ee halkan ay ka yidhaahdeen madaxda axsaabtu. Hadaladaasi waxay u badnaayeen oday ayaad tahay ee dadka isu soo jiid oo midee. Marxaba iyo guddoon, taasi waan aqbalay.

Waxa aynu u samaynsanay dawladda oo madaxweynaha loo doortaa, in ay aroor walba iyo saacad walba dhibaatada taagan xaliyaan. Taasna aad iyo aad ayaan u garanayaa in dhibaato kasta oo dalka taala, ha waynaato ama ha yaraatee aanu xallino ka dawlad ahaan. Gaar ahaanna go’aanka u danbeeya in anniga layga sugaayo aad iyo aad ayaan u garanayaa, waana guddoon, kii cadhaysan inaynu maslaxno, kii gardaran in aynu u dul-qaadanno intaba diyaar ayaan u ahay, waanan ogolahay.

Dhowr iyo soddonkii sanno ee u danbeeyayna dalkan goob joog ayaan u ahaa, sida wax loo waday iyo siday ku socotayba. Hal mid ayaan sheegayaa, qofka wax tabanayaa waa inuu si miyir qabta wax u sheegtaa. Midna waan leeyahay oo qoribaan wax ku xallinayaa ma dhici karto, qori baan soo qaadanayaa haddaan tayda la yeelin, taasi waligeed ba mamnuuc ayay inaga ahayd. Ha la wada hadlo oo shaydaanka ha la iska naaro oo qoriga innaga daaya waanan ogolahay dhamaan wixii lay faray.”

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay isbedelka ka dhacay geeska Afrika, iyo sida ay u kala duwan yihiin go’aamada ay qaateen madaxda labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Sidoo kalena waxa uu hambalyo u diray dawladda cusub ee la wareegtay maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu yidhi madaxweynuhu “Waxaan halkan hambalyo ballaadhan uga dirayaa madaxda loo doortay dawlad- deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Waxa kale oo ay Somaliland ku hambalyaynaysaa sida nabad-galyada leh ee ay isugu wareejiyeen, waanu idiin ducaynaynaa horumarkiinana waanu jecelnahay, waxa kale oo aan aad iyo aad u soo dhawaynayaa sagaalka qodob ee ay soo saareen barlamaanka dawlad-deegaanka Itoobiya, waaxanan aad u soo dhawaynayaa qodobka 5aad ee odhanaya waxaanu ku dadaalaynaa is dhex-galka labada dal, waxaan soo dhawaynaynaa is dhexgal dhinac kastaba leh, isku af ayaynu nahay, isku dhaqan ayaynu nahay, isku diin ayaynu nahay, walaalo ayaynu nahay, waxbaynu wada leenahay, waynu isu baahan nahay. Waxa ay Somaliland taageeraysaa 100% is dhexgalka, ganacsiga, dhaqanka, ciyaaraha iyo tallo wadaaga oo Jigjiga, Go’day iyo Hargaysa iyo Burco in dadku si siman uga ganacsan karaan ayaanu doonaynaa annaga oo ah laba dawladood”

Sidoo kale, madaxweynuhu mar uu ka hadlayey isbedelka wakhtigan ka dhacay geeska Afrika ayuu yidhi “Is badalada iyo horumarka ka socda geeska Afrika waxaynu is bar-bar dhigaynaa sida ay u wajaheen Addis Ababa iyo Muqdisho.

Addis Ababa 1993, waxay ogolaatay dawladnimada iyo madaxbanaanida Eritrea, Muqdisho iyo madaxda hoggaamisaa waxay ka dagaalameen Somaliland iyo madax-bannaanideeda.

Sannadkan aynu ku jirno ee 2018 Addis Ababa waxa ay qaaday tallaabo ah in raysal wasaaraha Itoobiya uu tago Asmara oo uu u ogolaaday wax kasta oo ay ku murmayeen, si ay isu kaashadaan, halka Muqdisho dadka ka taliyaa ay 2018 yidhaahdeen Somaliland waxaanu ka xidhaynaa cirka iyo badda oo cidi ma soo gali karto, marka aanu dhulka idinka xidhnana waxaanu idinka soo weeraraynaa dhulka oo uu ku dhaaranayo inuu Somaliland soo weerarayo.

Waa laba caqli oo kala duwan, xadka uu mustacmarku dhigay waa ka ay afrikaba ku qaybsan tahay annaguna ma badali karno waxa caalamka iyo afrikaba ku heshiiyeen, waxaanu ogolnahay in Soomaalidu iyadoo wax walba wadaagta hadana cid waliba ay u madax-banaanato aayaheeda siyaasiyan wixii walaaltinimo ahna la wadaago.

Dadka caalamka ku yidhaahda Somaliland, Soomaali ayay diidan tahay Xaasha, Somaliland iyadaa ku dhaadata Soomaali-nimada, Somaliland ayaa halgankii isticmaarka ku suntan, waxaanu haynaa wadadii Soomaali jacaylka, waxaad leedihiin cirka iyo dhulkan ayaanu idinka wareerayaa idinkoon itaalba haynin, hadaad itaal yeelan lahayd maxaad samayn lahayd, nimanka leh waa muqadas midnimadu, annaguna waxaanu leenahay waa muqadas in la kala tashado, hadii la heshiin waayay” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixin Cabdi.

 

Leave a Reply