Daacadnimo ayuu ku Mutaystay Dallacaad iyo Billad Sharaf

0
332

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, maamulka jaamacadda Hargeysa, ayaa hawl-karnimo, daacadnimo iyo waddaniyadda ku duugan agweed ku abaal mariyay billad sharaf iyo halderejo oo uu dalaco, sarkaal xigeen hore Muxumed Ismaaciil Faarax oo ah askari ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, gaar ahaan waaxda nabad gelyada waddooyinka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sarkaal ku xigeenkan hore ku abaal mariyay in uu dalacsiiyohal derejo, taas oo ka dhigaysa sarkaal xidigle ah, halka uu markii hore ka ahaa sadex xadhigle sarkaal ku xigeen ah. Halka maamulka jaamacadda Hargeysana uu ku abaal mariyay billad sharaf ay bixisay jaamacaddu.

Xidigle Muxumed Ismaaciil Faarax, ayaa muddo toban sanno iyo dheeraad ah wuxuu ka hawl galayay isgoyska biriijka labaad ee Hargeysa, waxaanu subax kasta, gudashada shaqadiisa u soo bixi jiray xilliga laga soo boxo salaadda subax, iyada oo qof kasta oo waddadaas subaxnimo maraana uu qirayo in uu halkaasi ku marayay sarkaalkan oo qaranka u shaqaynaya.

Taasina waxay ku dhalisay maamulka jaamacadda Hargeysa in ay wax ka ogaadaan nolosha askarigan iyo sababta uu subax kasta heeganka u yahay ee uu dadka jilicsan ee waddada ka gudbaya, ardayda iyo gaadiidka isgoyska afar jihoodka ah iskaga imanaya in uu kala hago oo ka jilicsan tallaabiyo iyo inuu waddada hagaajiyo oo dhagaxaanta ka guro.

Waxaana u soo baxday in uu yahay askari dalkiisa iyo dadkiisa u shaqaynaya oo si xilkasnimo ah u gudanaya xilka qaranka ka saaran qaybtiisa iyo waliba dheeraad uu ku daray. Taasina waxay askariga u keentay in madal qaranku ku dhan yahay oo arday, waalidiin iyo madaxda qaranka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha qaranku in lagu dalacsiiyo, isla markaana abaalmarin billad sharaf ah lagu guddoonsiiyo.

Madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kadib markii ay jaamacadda Hargeysa shahaadada ku maamustay isaguna isla goobtii kaga dhawaaqay in uu askariga hal derejo dalacsiiyay, waxaanu yidhi “Askariga saddexda xadhig laha ah ee ka tirsan ciidanka booliska Somaliland. Maanta (shalay) laga bilaabo waxaan dalacsiiyay hal darajo.”

Taliyaha ciidanka booliska sarreeye gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdooyin la yaab leh oo uu kala kulmay askarigan xilli uu ku jiray kormeer shaqo, waxaanu yidhi “Waxaan madaxda sharafta leh ee ila joogta iyo madaxweynaha qaranka ba aan u sheegayaa, laba cisho aniga oo kormeer ah ayaan nin gaadhi watay lacag u taagay, anna waan arkayaa, waxaa uu ku yidhi waar orod oo iga tag anna waxaan siiyay abaal marin wanaagsan oo lacag ah oo xalaal ah oo uu ku farxo.”

Warsame Maxamuud Axmed Cige, madaxa qaybta cilmi baadhista ee jaamacadda Hargeysa ayaa ka warbixiyay waxaa uu askarigani shahaadadani ku muteystay waxaanu yidhi “Askarigani waxaa uu ka mid yahay ciidamada booliska, gaar ahaan waaxda nabadgelyadda waddooyinka, waxaanan tobankii sanno ee ugu dambeeyay 7:00 subaxnimo aan ku soo marayay isaga oo taagan oo ka shaqeynayay isgoyska huteel Impreil ee magaalada Hargeysa.

Waxa uu leeyahay siddeed carruur ah, waxaanu ku masruufaa ubadkiisa mushaharka uu dawladda ka qaato, waligiina isaga oo qof shaxaadaya amase wax weydiinaya maan arag.”

Markii askarigan la guddoon siiyay shahaado sharafta, isla markaana madaxweynaha qaranku uu hal derejo uu dalacsiiyay, ayay dhammaan dadkii hoolka xafladda jaamacadda Hargeysa ka soo qayb galay mar keliya shucuurtoodu is bedeshay. Isaga oo qof kastaaba dhankiisa uga qiray in uu xaq u lahaa shahaado sharafta iyo dallacaaddaba. Waxa kale oo ay taasi farriin cad u tahay qof kasta oo qaranka shaqada uu u hayo si hagar la’aan ah uga soo baxa oo daacadnimo u guta waajibaadka loo igmaday.

Leave a Reply