Gudashadii Xajka: Socdaal Cibaado oo Somaliland Guul u soo Hooyay

0
374

Hargeysa (Dawan) Sannad kasta waxaa bisha 12-aad ee taariikhda Islaamka ee Hijriga la gutaa waajibaadka Xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka ee waajibka ah, isla markaana ku waajibay qof kasta oo Muslimah qaan gaadh ah awoodi kara in uu soo guto.

Somaliland ayay dadkeedu sannad kasta soo gutaan waajibaadka xajka isla markaana ay tagaan Xaramaynka barakaysan, iyaga oo fulinaya amarka ALLE ee ku waajibiyay in ay soo gutaan xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Sannad kastana waxaa gudashada waajibaadka Xajka ka tegi jiray Somaliland dad aad u badan oo masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada isugu jira, waxaana marar kala duwan waajibaadka gudashada Xajka ka tegay Somaliland masuuliyiin xilka ay hayaan uu ugu sarreeyay guddoomiyeyaal xisbi iyo heer wasiirro.

Sannadkan waxaa gudashada waajibaadka Xajka ka tegay Somaliland dad aad u badan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xujaajta Somaliland ee sannadkan waajibaadka cibaado ee diiniga ah soo gudanaysay oo aad u badnaa isla markaana rag iyo haween isugu jiray, ayaa waxaa hoggaaminayay oo ahaa masuulka ugu sarreeya ee Somaliland ka socday madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxaana ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Inkasta oo sannad kasta Somaliland dadkeeda inta awooddaa ay u safarto gudashada waajibaadka Xajka oo laga soo bilaabo maalintii Somaliland xorriyaddeeda la soo noqotay illaa maanta looga safrayay socdaalka cibaado ee gudashada waajibaadka Xajka.

Sannadkan safarkaa cibaado ee dhawaan u soo dhamaaday muslimiinta caalamka iskaga kala yimi ee ay ku tageen xaramaynka barakaysan, ayaa Somaliland u noqday socdaal cibaado iyo safar guul u soo hooyay dalkan iyo dadkan muslimka ah ee calankooda uu ku xardhan yahay Tawxiidka ALLE iyo Rasuulkeenna suubban (scw).

Waxaa meeqaamkii ugu sarreeyay uu boqorka dalka Sucuudigu ku qaabilay masuuliyiinta xujyada ah ee reer Somaliland ee uu hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ay ka mid ahaayeen xubno wasiirro ah.

Waxaana taariikhda markii ugu horraysay laga taagay calanka Somaliland qasriga boqortooyada Sucuudiga oo uu boqorka dalka Sucuudi Arabiya boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis uu ku qaabilay madaxda ka soo xajtay dunida muslimka ah oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Kulankaas oo ahaa kulan sharafeed boqorka Sucuudigu ku qaabilo mdaxda dunida Muslimka ee sannadkaa gutay waajibaadka xajka waxaa laga baahiyay oo uu toos uga baxay wakaalada wararka ee dalka Sucuudiga, iyada oo mudane Saylici uu ahaa masuulkii afraad ee dalkiisa iyo xilkiisa warkaa lagu sheego.

Mar labaad ayay dawladda boqortooyada Sucuudigu si gaar ah ugu maamuustay xujayda madaxweyne ku xigeenku uu hoggaaminayay in la siiyo diyaarad gaar ah oo ka mid ah diyaaradaha boqortooyada u gaarka ah ee boqorku raaco. Waxaana loo qaaday oo ay booqasho ku tageen qabriga Rasuulkeenna suubban (scw) waana maamuus sharafeed iyo qadarin Sucuudigu u qaaday dalka keliya ee ay kamidaysan yihiin calanka uu ku xardhan yahay Tawxiidka Islaamku ee ah magaca ALLE iyo Rasuulkeenna Muxamed (SCW).

Hore waxaa Somaliland uga gutay waajibaadka Xajka madaxweynenihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo soo xajiyay isagoo ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo ku beegnayd intaanu noqon madaxweynihii afraad ee qaranka,waxaa kale oo sanadkii hore soo xajiyay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) sanadkanna waxaa soo xajiyay marka laga tago qaybaha kala duwan ee bulshada xubno ka tirsan golaha xukuumadda oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland md Saylici iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Haddaba waxaa dubra soo baxay sas ay ka qaadday Xukuumadda Soomaaliya calanka Somaliland ee klaga dhex taagay qasriga boqortooyada Sucuudiga iyo qaabilaadaha kala dambeeyay ee boqortooyadu u samaysay madaxda xujayda ah ee Somaliland ka socotay oo ay ku eedeeyeen dawladda Sucuudiga in ay aqoonsatay Somaliland oo ay calan aan kii Soomaaliya ahayn ay ka taageen qasriga boqortooyada oo ah ka Somaliland.

Laakiin madaxda Soomaaliya waxaanay ogayn in Somaliland ay tahay qaran madaxbannaan oo ah dal iyo dawlad gaar ah oo aan caalamka ku dhibin yaboohsi iyo gacan hoorsi dunidu ay ku daashay laakiin ay tahay dal isu tashaday oo aaminay Kalmadda ALLE ee korraysa ee Tawxiidka ah ee calankooda ku xardhan.

Somaliland waxay u taagan tahay jiritaankeeda qarannimo cidna cadaw kuma aha mana doonayso ama kuma faraxado dhibaato soo gaadha darisyadeeda iyo caalamka kale midnaba,laakiin Soomaaliya in ay ka sasto oo ay ka cadhooto calanka Tawxiidku ku xardhan yahay ee Somaliland oo ay yidhaahdaan maxaa qasriga boqortooyada looga taagay hadda calanka ay ka masayrayaan waa calan uu ku xardhan yahay Tawxiidka ALLE halka laga taagayna waa dhulkii barakaysnaa ee xaramaynka ALLE ku yaallay ee loo tegayay gudashada waajibaadka Xajka.

Haddii Sucuudiga laga taagi waayo calanka Tawxiidku ku qoran yahay Sucuudiga halkee laga taagi lahaa? Waa su’aal laga rabo jawaabteeda madaxda Soomaaliya ee noqol u diidnimada Somaliland ku caan baxay laakiin umad ALLE wakiilatay oo calankoodaTawxiidka ku xardhay cidna aan cadaw ku ahayni waa hubaal in aan diidmada iyo inkiraadda maamulka Muqdisho waxba yeelayn.

Ta ugu weyn ee guusha u ahayd Somaliland ayaa ah in markii ugu horraysay calanka Somaliland iyo calanka ay ku mataanoobeen Tawxiidka ku xardhan ee Sucuudigu in ay ka wada dul babadaan qasriga Madaxtooyada Sucuudiga.

Waxaana la odhan karaa Gudashadii Xajka ee Sanadkan wuxuu ahaa socdaal cibaado oo Somaliland guul u soo hooyay.

Leave a Reply