Xukuumadda oo Shaacisay in ay Dalka Shidaal Keenayso

0
319

Hargeysa (Dawan)- Guddidii uu dhawaan madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi u xilsaaray in hannaanka maamulka haamaha shidaalka ee Berbera loogu soo celin lahaa gacanta dawladda oo ka kooban wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), maareeyaha hay’adda duulista madaaradda, xisaabiyaha guud iyo hantidhawraha guud ee qaranka, ayaa tafaasiil ka bixiyey halka ay marayso hawshii loo xilsaaray ee la soo wareegista haamaha shidaalka Berbera.

Ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, kaas oo sheegay in ay si fiican u socoto hawshii guddidooda uu madaxwaynuhu u xilsaaray, isla markaana aanay wali la wareegin maamulkii haamaha shidaalka, balse ay degdeg dhawaan ula wareegi doonaan.

Wasiir Yuusuf waxa uu sharraxaad ka bixiyey qorshaha xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi ee ku aaddan marka ay la wareegaan maamulka haamaha shidaalka Berbera, kaas oo tibaaxay inay dawladu qorshaysay inay iyadu soo iibsato shidaalka isla markaana ay bulshadda u fidiso adeeg hufan oo ka fudud kii hore. Waxaanay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen xafiiska wasiirka ganacsiga.

Wasiirka horumarinta maaliyada oo arrimahaasi ka hadlayay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaannu halkan si waafi ah oo cad aannu u caddaynaynaa in masuuliyadii, maamulidii iyo gacan ku hayntii wali ay hayso shirkaddii hore gacanta ugu haysay haamaha shidaalka ee Berbera ee la yidhaahdo Berbera Oil Group (BOG).

Shirkadahaasi, oo ku dhawaad ka kooban 11 shirkadood, isla markaana tiro saamilay ah oo 50 kor u dhaaftayna ay wadaagaan, iyada oo la gaadhay oo la joogo xilligii ay dawladu iyadu ay soo iibsan lahayd shidaalka, isla markaana ay haamaha kaydka shidaalka ku shuban lahayn, kaas oo aanu doonayno adeeg hufan oo nadiif ah, isla markaana bulsho waynta Somaliland ee kala duwana u noqda tudhaale”.

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, isaga oo ka jawaabay su’aal laga waydiiyey xiliga ay xukuumadu si rasmi ah ula wareegayso maamulka haamaha shidaalka Berbera, waxa uu yidhi “Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda ganacsiga oo hawshani hoos imanayso iyo guddidii oo gacan ku siinaysa, waxay maamulka haamaha shidaalka Berbera ula wareegayaan sida ugu dhakhsanaha badan, isla markaana ugu suurta-galsan, markaa haddii Alle yidhaahdo sida ugu dhakhsaha badan baanu ula wareegaynaa”.

Dhinaca kale, wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo isaguna halkaasi ka hadlay, isla markaana ka warbixinaya halka ay wax u marayaan, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Guddidani waa guddidii madaxwaynuhu u igmaday inay wareejiyaan hantida qaranka ee ay ka midka tahay haamaha Berbera, hawshaa guddidu way dhex gashay. Ciddii ay khusaysay oo ah baayac mushtarigii hore loogu wareejiyeyna waa loo yeedhay, iyada oo aanu hawshaasna aad uga wada hadalnay, maadaama oo ay yihiin baayac-mushtarigii qaranka oo ay yihiin cashuur bixiyeyaal.

Si fiican oo sharaf leh ayaannu u wada hadalnay, waananu isku afgaranay in si dedgeg ah loola wareego maamulka haamaha”.

Leave a Reply