Madaxweynaha oo ka Qayb Galay Qalin Jebinta Jaamacadda Hageysa, Xadhigana ka Jaray Dhismayaal Cusub

0
319

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 15aad ee ka baxda jaamacada Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay jaamacadda Hargeysa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mida ciidamada qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu kormeeray qaybo ka mida jaamacada. Isaga oo dhagax-dhigay dhismaha shaybaadh casriya (laboratory) oo ay yeelan doonto jaamacadu, kaas oo madaxweynuhu u ballan qaaday jaamacada mar uu kormeer ku tegay 22 May, 2018, sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray hool weyn oo jaamacadu yeelanayso kana caawin doona shirarka iyo kulamada muhiimka ah.

Waxaanu madaxweynuhu ku soo laabtay hoolkii ay ka dhacaysay xafladda qalin jebinta Ardaydu, waxaana halkaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyey madaxweynaha maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda oo iyagu hormuud ka ahaa farxadda qalin-jebinta ardayda oo ay wehelinayeen waalidiintii ku soo tabcay mudadii ay soo wadeen hayaanka waxbarashada oo ay maanta ka gaadheen guul balaadhan.

Guddoomiyaha jaamacada Hargeysa, ayaa hambalyo ka dib ka warbixiyey marxaladihii ay jaamacadu soo martay wakhtiyadii kala duwanaa iyo halka ay ku sugan tahay wakhtigan iyo weliba waxa ay hiigsanayso sannadaha soo socda, sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay masuuliyin ka socday saddexda xisbi qaran, marti sharaf dhawra oo lagu casuumay munaasibada oo badan koodu ka socday Jaamacadaha ay xidhiidhka tooska ah leeyihiin Jaamacada Hargeysa, wax isna sidoo kale halkaa khudbad ka jeediyey guddoomiyaha Maxkamada sare, iyo wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska oo madaxweynaha hadalka ku soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu horayn hambalyo u diray Ardayda qalin-jebisay shalay, waalidiintii ku soo tabcay iyo macalimiintii wakhtiga geliyey inay waxbaraan midhaha qarankan Somaliland u soo baxay, waxaanu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey Ardaydii ugu saraysay dufcadaha kala duwan ee Jaamacada Hargeysa iyo xubin sharaf ay Jaamacada Hargeysa ku qiimaysay dedaal waddannimo oo uu muujiyey askari ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo ay maamulka iyo ardayda Jaamacadu u aqoonsadeen muwaadin daacad u ah qarankiisa iyo shaqada uu hayo, markii uu madaxweynuhu shahaado sharaftaa gudoonsiiyey muwaadinka waxa uu goobta ka sheegay madaxweynuhu in uu isna dalacsiiyey hal derejo askarigaasi oo markii hore ahaa saddex xadhigle, madaama oo ay intaas oo qof u markhaati fureen inuu yahay muwaadin muujiyey dedaal iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay waddanimo.

 

Leave a Reply