Ujeedada Saddex Wareegto oo ay Madaxtooyada Somaliland soo Saartay

0
311

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray saddex wareegto oo kala ah, dib u habaynta ciidanka Ilaalada cashuuraha ee loo yaqaan (Turbataariyada), cashuur dhaafka loo sameeyo ganacsiga iyo ajaanibta dalka jooga ee aan wafaaqsanayn sharciga. Sidoo kalena waxa uu wareegto ku dhaqan geliyey xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga, xeerka maareynta deegaanka, xeerka shirkadaha Somaliland, iyo xeerka waxbarashada qaranka.

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu digreeto ku soo saaray in dib u habayn lagu sameeyo ciidamada ilaalada cashuuraha qaranka ee loo yaqaano Turbataariyada, waxaanu wareegtadaasi lagu yidhi “Madaxweynaha Somaliland, waxa uu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda maanta (shalay) dib u habayn lagu sameeyo ciidanka ilaalada cashuuraha (Turbataariyada), kuwaas oo noqon doona qayb ka tirsan ciidanka booliska jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana hoos tagi doona taliska guud ee ciidanka Booliska.

In taliyaha ciidanka Boolisku isku beddel ku sameeyo ciidanka ilaalada cashuuraha lixdii bilood ba hal mar, isla markaana la siiyo tababar ku saabsan nidaamka ilaalinta cashuuraha, tacriifadaha badeecadaha, wada-shaqaynta maamulka goobta cashuur-qabashada iyo asluubta la-dhaqanka cashuur bixiyaha.

In ciidanka ilaalada cashuuraha laga dhigo kuwo leh ugu yaraan aqoon dugsi sare iyo ammaano dhab ah, laguna soo xulo karti iyo hufnaan.”

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland waxa uu soo saaray, wareegtooyin lagu baahiyay dhaqan galka xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga, Xeer Lr. 78/2018. dhaqan-galka xeerka maareynta deegaanka, Xeer Lr. 79/2018., dhaqan-galka xeerka shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018, iyo dhaqan-galka xeerka waxbarashada qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

Ugu danbayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu soo saaray wareegto lagu joojinaayo cashuur dhaafka loo sameeyo aloobyin sifo ganacsi dalka loo keeno iyo ajaanibka dalka macaash doonka u yimaada, waxaanu go’aamiyey; “1) In wasaaradaha iyo hay’addaha xukuumaddu aanay u samayn karin cashuur-dhaaf aan sharci ahayn alaabooyinka sifo ganacsi dalka loo keeno iyo ajaanibka dalka u imanaya ama ka haya hawlo macaash doon ah.

2) In habka cashuur dhaafka alaabooyinka la soo dejiyo iyo cashuuraha kale ee barriga loo raaco sida ay dhigayaan qodobbada 145aad, 136aad iyo 163aad ee xeerka kastamada Somaliland, Xeer Lr. 73/2016, iyo qodobbada 6aad, 46aad iyo 72aad ee xeerka cashuuraha barriga, xeer Lr. 72/2016, iyo heshiisyada shirkadaha maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland qayb ka tahay.

3) In shirkadaha ganacsiga ee loo samaynayo cashuur-dhaafka kastamka si sharciga waafaqsan, laga soo xareeyo cashuuraha kale ee barriga ee ku waajibay, sida; cashuurta dakhliga (Income Tax), cashuurta iibka, (Sales Tax), cashuurta macaashka (Profit Tax) iwm, si waafaqsan cutubyada 2aad, 3aad iyo 4aad ee xeerka cashuuraha barriga, xeer Lr. 72/2016.

Sidoo kale, hay’adaha qaramada midoobay, kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, in laga soo xereeyo cashuuraha barriga ee ku waajibay, marka laga reebo kuwa sharcigu ka dhaafay.

4) In wasaaradda horumarinta maamliyaddu iyada oo la kaashanaysa hay’adaha kale ee dawladda, ay diyaariso habraacyada iyo xeer-nidaamiyayaasha lagu faah-faahinayo, laguna hirgasho qodobbada iyo ujeedooyinka xeerka Kastamada iyo xeerka cashuuraha barriga, oo ay ku jirto cashuur-dhaafyada kala duwan ee xeerarka dalku dhigayaan, si waafaqsan qodobada 51aad, 52aad, 208aad iyo 246aad ee xeerka cashuuraha barriga xeer Lr. 72/2016, iyo qodobada 18aad, 36aad iyo 206aad ee xeerka Kastamada Somaliland. Xeer Lr. 73/2016.

5) In la sii wado dhiiri-gelinta wershadleyda dalka marka ay bilaabayaan dhismaha warshadaha, lana siiyo cashuur-dhaaf wixii agab ah; sida mishiinnada iyo qalabka-dayac-tirka, waxase sharci ah in ay ka sitaan wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska qoraal caddaynaya nooca wershadda ay la soo dagayaan, tirada qalabka dayac-tirka iyo dammaanad muujinaysa muddada ay ku kicinayaan wershadda.

6) In wershada raasamaalkeeda lacageed ku bilaabmo ugu yaraan $250,000 (Laba Boqol iyo Konton Kun oo doolar), kana hawl-galaan ugu yaraan 30 shaqaale ah, laga dhaafo cashuurta soo dejinta (Custom Import Duty).

7) In alaabta qaydhin (Raw Material) ee wershadaha loo sameeyo cashuur-dhaaf saddexda sanno ee ugu horreeya. Wixii ka dambeeya muddadaa saddexda sanno ah waxa ku waajibaysa cashuur alaabta qaydhin ee wershadaha. Waxa reebban in alaabta qaydhin ee wershaddu ku heshay cashuur-dhaaf loo iib geeyo suuqa. Sidoo kale, waa siyaasadda dawladda in la dhiiri-galiyo isticmaalka khayraadka iyo alaabta dalka gudihiisa laga heli karo, si looga maarmo in la soo dejiyo alaab qaydhin.

  1. In Cashuuraha berrigu ay ku shaqeeyaan xeerka ay hore ugu dhaqan-galeen ee xeerka dakhliga cashuuraha berriga, Xeer Lr. 72/2016. Sidaa darteed, go’aankan laga soo saaray cashuur-dhaafka warshaduhu ma khuseeyo cashuuraha berriga.

9) In wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumaddu si mug leh uga qayb-qaataan ilaalinta iyo soo uruurinta cashuuraha, kana gacan siiyaan wasaaradda horumarinta maaliyadda waajibaadkeeda la xidhiidha kobcinta dakhliga.

 

Leave a Reply