“Waxaanu Isla soo Qaadney Sidii Dawladda Suudaan uga Qayb Qaadan Lahayd Wada Hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya”

0
308

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dawladda Suudaan ay ka qayb qaadaneyso wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Dr. Sacad Cali Shire, oo kulan la yeeshay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda caalamiga ah ee Afrika mudane Kamel Maxamed Cubeydii, ayaa faahfaahin dheeraad ah iyo sharraxaad ka siiyay taariikhda Somaliland la leedahay dalka Suudaan iyo sidii hoos loogu eegi lahaa ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka Suudaan, kuwaasi oo mararka qaarkood ay dhibaatooyin kala kulmaan halkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Suudaan waa waddan weyn oo waayo aragnimo fara badan leh, khaasatan marka ay timaado xaga khilaafaadka qoomiyaadka.

Waxa kale oo aannu ka wada hadalnay oo aannu isla soo qaadney sidii dawladda Suudaan ay door mihiim ah ay uga qaadan laheyd wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.”

Dhanka kale, Dr. Sacad waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii hoos loogu eegi lahaa ardayda dhibaatooyinku ku heystaan dalka Suudaan, waxaanu yidhi “Waxaanu ka wada hadalnay sidii hoos loogu eegi lahaa ardaydaa reer Somaliland ee wax ka barta jaamacaddaha dalka Suudaan ee dhibaatooyinku halkaa ku heystaan, tusaale ahaan xagga socdaalka iyo waliba arrimo kale. Maadaama aynu nahay laba waddan oo dhinacyo badan iskaga xidhan, xagga dhaqanka iyo dhaqaalaha ba oo isku dhaw, waxaanu isla garaney sidii cilaaqaadka labada dal loo sii xoojin lahaa.”

 

Leave a Reply