Wasiirka Degaanka Somaliland oo ka Qayb Gashay Shirka Cimiladda Adduunka

0
308

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, ayaa lagu martiqaaday shirka caalamiga ah ee cimiladda adduunka oo sannadkan lagu qaban doono magaalada San Francisco, California, ee dalka Maraykanka. Siday baahiyeen qabanqaabiyeyaasha shirkaasi.

Shirkan oo socon doonaa 12-ka iyo 14ka bisha fooda innagu soo haysa ee September, waxa madaxda dalalka adduunka ee lagu casuumay ay ku falanqeyn doonaan guulaha laga gaadhay isbeddelka cimiladda adduunka.

Waxa shirkan lagu wadaa inay ka soo xaadiraan masuuliyiin ka socda dawlado, saynisyahanno, ururro aan dawli ahayn iyo jaamacado, waxaana loogu talogalay inay is weydaarsadaan fikrado iyo aragtidooda labada maalmood ee shirku socdo.

Siday werisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, shirkan waxa lagu soo qaadi doonaa sidii loo dhaqaajin lahaa caqabadaha hortaagan heshiiskii cimilada adduunka ee hore loogu gaadhay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Shirkan waxa diirada lagu saarayaa qoddobo ay ka mid yihiin nidaamka tamarta iyo la qorsheeye koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo qoddobo kale.

Warku wuxuu intaas ku daray in qabanqaabiyeyaasha shirkani ay 22 qof oo ka kala imanaya adduunka ay ku soo xusheen siday ugu ololeeyeen wax ka qabashada cimilada adduunka, waxaana Somaliland kaga jirta wasiirka degaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare.

Wasiirka degaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa lagu majeertay inay Somaliland ka aasaastay Ururka waddaniga ee Candlelight oo ka shaqeeya badqabka degaanka, cuntada iyo caafimaadka guud.

Waxa kaloo qabanqaabiyeyaasha shirkan caalamiga ahi ay warbixintooda ku sheegeen in Wasiirka degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga marwo Shugri Bandare ay horseed ka ahayd qorshihii xukuumadda Somaliland ku mamnuucday isticmaalka bacaha iyo samaynta siyaasadda degaanka ee qaranka.

Leave a Reply