Hargaysa: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Tuuggo Xadday in ka Badan 20 Baabuur

0
301

Hargaysa (Dawan): Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen tuuggo mudooyinkan baabuurta ka xadayay magaalooyinka dalka gaar ahaana Hargaysa.

Kadib hawl gal balaadhan oo ay maalmahan ciidamadda boolisku ku baadi goobayeen gaadiid kala duwan oo dad shacab ah laga xaday waxay ku guulaysteen in ay soo qabtaan xubno ka mida dhalinyaradaas baabuurta xadda.

Sarreeye gaas Cabdillaahi Fadal, waxa uu tilmaamay in u jeedadda ay tuugadaasi ka leeyihiin xadista baabuurta in ay tahay ganacsi ahaan, iyagoo fur-fur ka dhigaya kadib na iibinaya.

“Gaadiidka ay xadayaan tuugadu ujeedadoodu waxa weeye in ay birraha kala baxaan oo ay iibsadaan (iskaraab ahaan) sidii tuugta lagu arki jiray had iyo jeer na waxa falalkaasi ay dhacaan saddex jeer, oo kala ah salaadda casar, salaadda maqrib iyo salaada cishaa’iga.

Waxaanu ciidanka boolisku ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan dhallinyaradaas, kuwii ugu dambeeyay na Hargaysa ayaanu ka qabanay” ayuu yidhi taliyaha booliska oo u warramay BBC.

Taliyaha oo hadalka sii watay waxa uu sheegay in labadii bilood u danbeeyay ay tuugadaasi xadeen 20 baabuur, isla markaana ay hadda ciidamadda boolisku baadhitaan ku hayaan eedaysaneyaasha loo soo qabtay.

Waxaanu yidhi “Waxaa lagu hayaa marag muujin iyo baabuurtii ay fur-furteen labadii bilood ee ugu dambeeyay. Marka la isku geeyo waxaanu qabanay afartan baabuur oo la xaday. Waxaanay ciidanka boolisku ku hawl galeen baadhis dheer.

Waxaanay falalkaa u soo qabteen ciidanka boolisku labadii bilood ee ugu dambeeyay 20 dhalinyaro ah oo ah, kuwaasoo ah kuwii gawaadhida xadayay”.

Dhinaca kale Mustafe Maxamed Khayre, oo ka mida dadka gawaadhiga laga xaday oo degan Hargaysa ayaa isna BBC-da uga waramay wakhtiga gaadhigiisa laga xaday iyo sidii ay markii danbe ku soo heleen.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Gaadhiga la iga xaday waxa uu ahaa gaadhi suraf ah. goor Maqib ah ayaan dhigay gurigayga hortiisa, toban daqiiqo markii aan guriga ku jiray ayaan maqlay gaadhigaagii ayaa la kaxaystay.

Waxaanan isku daynay in aanu ka daba tagno. Gaadhiga la iga xaday muddo shan maalmood ah ayay ciidamadda boolisku wadeen badhitaanka.

Markii dambe na ciidanka booliska ayaa soo helay, waxaana laga soo helay meel dooxa Hargaysa koonfur galbeed ka xigta, oo qiyaastii 10KM magaalada Hargaysa u jirta. Waxaanan tuhun sannahay in furihii gaadhigayga la sawirtay”.

 

Leave a Reply