Madaxweynaha oo Furay Shir Weynaha Saddexaad ee Shaqo Abuurka Heer Qaran

0
299

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay daahfuray shirweyne shaqo abuur loogu samaynaayo muwaadiniinta reer Somaliland, waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Munaasibada lagu daahfurayey shirwaynaha shaqo abuurka ee heer qaran oo socon doona laba maalmood, ayay ka soo qaybgaleen haldoorka Somaliland, oo iyagu falan qayn ku samayn doona labadaa maalmood midha dhalka shirkaasi la doonayo in ay ka soo baxaan, waxana halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumadda, wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, midawga Yurub iyo hay’addo kale oo dhawr ah.

Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Shirkani maanta (shalay) ayuu inoo bilaabmay, waanu inoo furan yahay. Qodobada la soo qaaday saddex uun baan ka xusi doonaa oo aan leeyahay aad ha loo tix galiyo.

Qodobka koowaad, shaqo muwaadin qaban karo, waxa inoo guddoon ah in aanu qof ajaanib ahi haynin. Qolada ganacsatada ah ee ka dayrisay farsmo xumaanteenna ama tidhi farsamada ma taqaanaan iyo wasaaradda shaqada ba ee ogolaanshaha ajanabiga haysaa, ha isla hubiyaan in qofka ajanabiga ahi uu halkan u yimi shaqo aynu qaban karno.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaasi ku daray “Sababta oo ah waxa aad loo hadal hayaa oo guux badani ka jiraa in shaqooyin aynu naqaano ay dad ajanabi ahi hayaan, waxaana loo nisbeeyaa badanaa shirkadaha gaarka loo leeyahay, arrintaas waxaynu u baahanahay in laysla hubsado.

Qodobka labaad waxa inoo guddoon ah in waxbarashadeena aynu wax badan ka badalno si ay isu waafaqaan suuqyada caalamka, iyo gudahaba ee shaqada iyo waxbarashadeenu.”

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu intaasi raaciyay “Qodob kale ayaa tix galin mudan oo waxa ka hadlay guddomiyihii Sonyo, waana baananka, sida wax looga amaahdaa way dhib badan tahay, waa arrin tix galinteeda leh waanay joogaan shirkadihii baananku iyaguna. In kasta oo ay dhibaato badan qabaan oo ma laha dammaanad, waxooduna khatar ayay galaan. Haddana yeelkeede waa in aynu dib ugu noqonaa sida ugu fudud ee loo fulin karo in dayn la siiyo dadka dhallinyarada ah ama fuqorada ah oo aanay daynta qaadan inta is taqaana ee lacagta lehi ra’yigaasna waynu u baahannahay.”

“Shirkan waxa aynu ka rajaynaynaa in uu keeno ra’yiga ah sidaynu dadkeena u shaqaalaysiinaa. Waa la badan yahay, hay’addihii ajanabiga ahaa waa joogaan, baayacmushtarkiina waa joogaan, dawladiina waa joogtaa oo waxa naga wakiilla wasiiradaas oo hawshaas qaabilsan,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo iyadu soo qabanqaabisay shirka ayaa sheegtay in ay diyaariyeen siyaasado dhallinyarada u fududaynaaya in ay shaqo helaan, iyada oo arrintaasi ka hadlaysayna waxa ay tidhi “Wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha qoysku iyada oo fulinaysa ballan qaadkii madaxweynaha, islamarkaana dhallinyarada Somaliland ee shaqo la’aantu ku dhacday u diyaar garaynaysa in ay si fudud shaqo u helaan, waxa ay diyaarisay siyaasado badan oo runtii fududaynaaya, suurana gelinaaya in dhallinyaradu ay hesho fursado shaqo.

Waxaannu tababaro kala duwan u fidinaa dhallinyarada kala duwan ee ka baxda dugsiyada sare iyo jaamacadaha iyo kuwa ay ka luntay wakhtigii ay wax baran lahaayeen kuwaas oo aanu siino xirfado kooban.”

Wasiir Hinda Jaamac Xirsi ayaa dhiiri gelisay in dhallinyaradu ay bartaan qaybaha farsamada si ay noloshooda ugu mareeyaan, waxaanay tusaale u soo qaadatay dugsiga Kuwaytiga ee ku yaal Magaalada Hargaysa oo fursad wax ku ool ah u sameeyey dhallinyaradda Somaliland waxayna tidhi ”Hay’adda Kuwiytiga ah ee degen caasimadda Hargaysa waxay dhallinyaradda ay gacanta ku hayso ee agoonta u badan bartaa xirfado kala duwan, waxa runtii nasiib wanaag ah in qofku marka uu waxbaarsho ku jiro muddo 18 sannadood ah ee aanu nasiib u helin inuu shaqo ku helo in taas badalkeeda ay hay’addani dadkii ay wax bartay ay shaqo helaan sannad gudihii”.

Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha qoyska Somaliland, waxa kale oo ay sheegtay in shirweynahani yahay kii saddexaad ee Somaliland ka qabsooma, waxaanay tidhi ”Shirkani waa shirweynihii saddexaad ee Somaliland ka qabsooma. Waana kii kowaad ee ay qabato xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Annaga oo ka duulayna ballanqaadyadii xisbiga Kulmiye iyo ballanqaadka madaxweynaha qaranka ee ah in shaqooyin loo abuuro dhallinyaradda Somaliland ee ku madhay badaha iyo saxaraha ayaanu diyaarinay anigoo ku hadlaya afka shaqo abuurka wasaarad ahaan aanu soo agaasinay shirkan. Waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo gacan ka gaystay qabsoomida shirkan oo ay ugu horayso hay’ada Save The Children,Dalladda Sonyo,Dalida iyo Midowga Yurub”.

Kulanka lagu gorfaynaayo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa muwaadiniinta reer Somaliland ayaa socon doono laba Maalmood oo maanta ku eg waana kulankii Saddexaad ee qabsoomay muddadii ay Somaliland ka go’day dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

 

Leave a Reply