Xildhibaan Warfaa oo Tilmaamay in Rejadii Lagu Doortay Madaxweyne Muuse ay Rumowday

0
304

Hargeysa (Dawan)  Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa sharraxay sababaha madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, uu kaga guulaystay labadii musharax ee doorashada kula tartamayay ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo UCID Eng. Faysal. Taas oo uu ku sheegay in ay ahayd hal adaygnimo iyo kalsooni ay dadku ku qabeen in xukuumaddiisu ay noqon doonto mid ka fog musuq maasuq iyo in maddaxweyne Muuse uu karti iyo ku dhac u leeyahay in uu dib u soo celiyo hantida qaran ee ummadda laga dhacay muddadii ay Somaliland jirtay ee ay dalka ka soo talinayeen xukuumadihii kala dambeeyay.

Waxa kale oo uu xildhibaan ku si weyn ugu taageeray madaxweynaha qaranka qorshaha dib loogu diiwaan gelinayo guud ahaan hantida qaranka iyo in la soo celin doono dhammaan wixii hanti qaran ah ee aan ku bixin sifo sharci ah.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, waxa kale oo uu ka hadlay Somaliland iyo jidka siyaasadeed ee ay kula xidhatay dawladaha khaliijka oo uu sheegay in ay tahay tallaabo guul u ah Somaliland oo kor u qaaday meeqaamka Somaliland ay ku leedahay caalamka.

Waxaanu sidaa kaga hadlay xildhibaan Warfaa, waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan. Isaga oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida uu u arko diiwaan gelinta hantida ma guurtada ah ee qaranka ee xukuumaddu bilawday, ayaa yidhi. “Diiwaangelinta lagu sameynayo hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd ee ay laheyd Somaliland 27-kii sanno ee ay jirtay, wixii aan sifo sharciya ku bixinna waa laga daba tegayaa, aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa loo doortay ee codka aqlabiyadda ah ee uu 80-kun ku hogaaminayay loo siiyay waxaa uu ahaa wakhti soo maray Somaliland oo xoolihii umadda illaa maalintii lala soo noqday madaxbannaanida Somaliland aan waxba loo diiwaan gelin, lana boobayay.

Markaa waxaa loo baahday nin adag, oo xoolihii ummada ee la dhacay gacan bir ah ku qabta soona celiya, ka daba taga oo keena, waxaana leysla gartay saddexdii nin ee u tartamayay jagada madaxtinimo inuu yahay ninka sifahaa lihi Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne codka sidaas ayaa lagugu siiyay 80-ka kun ee aad dheerayd ragga kula tartamayay, maantana ummadu wali way ku eegaysa madaxweyne, anigu intaas oo sifo in aad leedahay oo aad tahay nin karti leh, ku dhac leh, hadal adeg oo inta uu joogo aan shilin kale meel kale la marineyn in aan ku barto waan ku hoos joogey.

Waxaan qabaa in inta aad joogto golahaaga wasiiradda ninna aanu gaadhi iibsan Karin, ninna daar cad dhisan karin, waan ogahay in aad gacan bira ku qabaneyso”

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Madaxweyne hantida qaranku maaha uun guryo iyo wax kale ee waxaa maqan hanti lacageed oo malaayiin dollar ayaa ummadan laga dhacay oo la og yahay oo hadii loo diro hanti dhawr madax bannaan maxkamad la soo taagi karo, wax allaale wax kala qarsooni ma jiro, madaxweyne hantida ummada maqan waana lagaaga fadhiyaa”

Xildhibaanka oo wax laga waydiiyay hadalo uu dhawaan warbaahinta ka yidhi Siyaasi Ismaaciil Buubaa, ayaa si kooban u yidhi “Ismaaciil Hurre Buuba hadalkiisa waxba ku sii tiigaali maayo oo waa hadaladiisii looga bartay uun.”

Xildhibaanka oo la waydiiyay doorashada golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanku goorta ay qabsoomayso, ayaa ku jawaabay.”Doorashadu wakhtigeedii ayay ku qabsoomaysaa oo waxaa ay ku wanaagsan tahay geedi socodka Dimuquraadiyadeed waxaanay ku habboon tahay doorasho waliba inay wakhtigeedii qabsoonto, geedi socodka kale ee kasbashadaa wadamada Khaliijka halkii ugu wanaagsaneyd ayaynu abbaarnay.

Sababta oo ah, waxaa la yidhi ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow, taana waxaa daliil u ah sida madaxweyne ku xigeenka Somaliland loo soo dhaweeyay, sida loo qaabiilay iyo mansabka la geeyay, waligeed iyo Allaheed may dhicin in qasriga madaxtooyada laga taago calankii Jamhuuriyadda Somaliland oo ay koonfuri qayliso oo ay tidhaaho Somaliland sowta la aqoonsaday maaha, waa horumar aad u wanaagsan, xajka dambe waxaa lagu tegayaa baasaabooradda Somaliland kuwan aynu imika heysano waa la cusbooneysiin doona oo waxaa ay noqon doonaan qaar Imaaraatka iyo Sucuudigaba lagu tago, hase ahaate waxaa loo baahan yahay oo xukuumadda talada heysa looga fadhiya inay wadanka musuq maasuqa ay ka ilaaliso, oo hay’addaha dawladdu ay u muuqdaan kuwo shaqeynaya” ayuu yidhi xildhibaanku

Xildhibaanka oo la waydiiyay is bedelka ka socda dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya ayaa ku jawaabay.”Itoobiya isbadelka ka dhacaya waynu soo dhaweynaa wixii laga soo dhacay ee hanti aheydna waa tii loo celiyay waynu soo dhaweyneynaa isbadeladaa ka socda”

Leave a Reply