“Hirdanka Quwadaha Cusub ee Geeska Afrika oo Somaliland ka Dhigay Meesha ugu Muhiimsan” The Telegraph

0
293

Hargeysa (Dawan) Wargeyska Caanka ah ee The Telegraph oo ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa shalay daabacay warbixin uu xoogga ku saarayo sida ay Somaliland ugu hirdamayaan quwadaha cusub ee soo baxaya, kuwaas oo kala ah xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadku hoggaamiyo iyo xulufada Qadar iyo Turkiga.

Wargeysku waxa uu sheegay in loolanka awoodahan cusub dhex-maraya, aanay waxba ka duwanayn loolankii dagaalkii qabooba ee awoodihii Maraykanka iyo Ruushku kala hoggaaminayay ku dhex maray Geeska Afrika. Balse halka ugu muhiimsan ee hadda lagu hirdamayaa ay tahay dekedda Berbera ee Somaliland.

Wargeysku wuxuu sheegay in Somaliland dheehanayso faa’iidada ugu jirta mashaariicda Imaaraadka ee dekedda Berbera iyo cilaaqaadka xulufada Sucuudiga laakiin, ay jiraan haliso ku lammaan, sidoo kalena Imaaraadku dano dhaqaale iyo faa’iido ka helayo dekedda Berbera oo la filayo in uu dhowaan ka dhigo marinka ugu muhiimsan ee gobolka, isaga oo ballan qaad ka haysta suuqa dihin ee Itoobiya. “Qorshahani waxa uu u eegyahay qorshihii Mussollini, hogaamiyihii Talyaaniga uu ku doonayey inuu ku dhiso Jid Berbera ku xidha Itoobiya,” ayaa lagu yidhi warbixinta uu daabacay wargeyska The Telegraph.

“Imaanshihii DP World wuxuu noo horseeday faa’iidooyin badan. Waxay kalsooni gelinaysaa maalgashadeyaasha kale ee shisheeye. Waxay Berbera ka dhigaysaa xuddunta Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaanay dhaqaalahayaga kor u qaadaysaa 30%,” Sidaas ayuu yidhi maareeyaha dekedda Berbera Xasan Cabdillaahi.

Xukumadda Somaliland ayaa aamminsan in ay si weyn uga war qabto halista ay leedahay in ay fagaare lagu loolamo noqoto qarnigan 21-aad, laakiin, ay fahansan tahay in faa’iidada ay ka helaysaa badan tahay “Heshiiskan waxaanu ka helaynaa Waddo, waxaanu ka helaynaa maalgashi dibadeed, waxaanu ka helaynaa shaqo, maaddaama dalka 75 dadku aanay shaqo caadi ah hayn,” Sidaas waxa yidhi wasiirka arrimaha debbeda Sacad Cali Shire.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay in uu fahansan yahay in aanay bilaash ku helayn faa’iidooyinkan, laakiin, ay daba socdaan dano laga leeyahay Somaliland “Waanu ognahay in aanan helayn qado bilaash ah, waxaa jira walaacyo ka dhan ah qarannimada, waxa dhulkayaga loo isticmaali karaa garoon lagala dagaallamo dad kale, taas oo na gelin karta halis ah aargoosi (in naloo waxyeeleeyo aargoosi) laakiin, waxaanu rumaysan nahay in faa’iidadu ka weyn tahay qiimaha,”Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Dhinaca kale todobaadkii hore Mr. Michael Rubin oo ka tirsan machad mufikiriin ah oo Maraykanka ka dhisan horena uga mid ahaa waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa qoray qormo dheer oo uu ciwaankeedu ahaa Maraykanku ha aqoonsado Somaliland inta aanu Ruushku aqoonsan. Qormadan wuxuu si weyn ugu dooday in Somaliland haysato dood ama kiis lagu aqoonsan karo iyada oo ujeedadiisu ahayd in Maraykanku ka sii hor dago Ruushka oo la hadal hayo in uu Somaliland ku soo maqan yahay.

Warbixin taasi daba socota ayaa dorraad lagu daabacay Geopolitics Alert oo Maraykanka fadhigeedu yahay waxaana lagu darsay in Maraykanku dib u bilaabayo loolan ku aaddan in uu ku lug yeesho Geeska Africa, waxaana si gaar ah loogu soo qaatay Somaliland iyo in Maraykanku qaadi karo tallaabada uu soo jeediyay Mr Mihael Rubin ee ah in Maraykanku ictiraafo Somaliland.

“Xaqiiqdii waxa jirta xog baahsan oo ah in Ruushku qorsheeyay Saldhig uu doonayo in uu Somaliland ka dhisto, islamarkaana $250 Milyan oo dollar doonayo in uu ku maalgashado shidaalka Somaliland laakiin, wali Ruushku arrintaasi si furan ugama hadlin,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay qortay Randi Nord oo ah saxafiyadda aasaastay Geopolitics Alert kana faalloota arrimaha Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

Waxa ay intaasi ku dartay in runtu tahay in Somaliland waddamo badani indhaha ku hayaan, kuwaas oo sababtu tahay Saldhigyada Militari iyo meesha muhiimka ah ee Somaliland ku taallo oo ku dhereran gacanka Cadmeed. Sida oo kale Somaliland ayaa sanadahan noqotay xudun caalami ah oo rajo sare laga qabo in laga helo shidaal ama tamar kuwaas oo ay sahankooda iyo soo saaristooda ay ku hawlan yihiin shirkado waaweyn oo caalami ah sida Genel Energy oo Ingiriiska iyo Turkiga fadhigeedu yahay iyo TGS–NOPEC Geophysical Company oo Norway laga leeyahay. Warbixintu waxay sheegtay in haddii Somaliland laga helo shidaal ay sii laba jibaarmayso danta ay dalalka shisheeye ka leeyihiin Somaliland.

Warbixinta ayaa tilmaantay in caqabadaha ka hor iman kara Maraykanka haddii uu ictiraafo Somaliland ay tahay in Soomaaliya xidhiidhkoodu xumaan doono halkaas oo uu ka wado la dagaallanka kooxaha Islaamiyiinta ah.

Sidoo kale wakaaladda Reuters ayaa warbixin ay dhowaan ka qortay awoodda cusub ee Imaaraadka Carabta ee ku fidaysa dunida waxay ku sheegtay in Somaliland ay ka mid tahay meelaha muhiimka ah ee soo baxaya.

Leave a Reply