Wasiir Boos oo Caddeeyay Sida   ay Xukuumaddu Ugu Dul-qaadatay Ficilada Qarandumiska ah ee Caarre

0
294

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha jamhuuriyadda Somaliland mudane Boos Mire Maxamed, ayaa ka hadlay sida ay xukuumadda Somaliland ugu dul-qaadatay falal tiro badan oo qaran-dumisnimo ah oo uu ku kacay sarkaal hore uga tirsanaa ciidanka qaranka oo fallaagoobay.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in xukuumaddu markii ay aamustay ee ay ka hadli wayday, sida ay arrimahaas ugu dul-qaadatay iyo sida ay u doonaysay in aan arrinka sarkaalka fallaagoobay waxyeelayn nabaddii beelaha Ceel Afweyn oo xilliga uu sarkaalkani duur galoobay loo fadhiyay, in aanay ku milmin, taasina ay sababtay in wax kasta la iska sheego oo dhaliilo aan xukuumadda qabanayn loogu soo jeediyay, kuwaasi oo uu caddeeyay in ay tahay cid aan waxba arrinta ka ogayn, ka hadalkeeduna ay tahay indho la’aan iska hadal ah.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa, ugu horrayn waxaa uu u mahad naqay cid kasta oo ka qayb qaadatay nabadayntii beelaha Ceel Afweyn oo ay ugu horrayso ergadii nabadda u fadhiday, waxaanu yidhi “Arrintii reeruhu si wanaagsan oo qurux badan ayay ku dhammaatay waxaanan halkan mahad uga jeedinayaa ummadii Somaliland ee jecleyd inay sidaasi ku dhammaato iyo ergadii nabadda u fadhiday iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay”

Wasiir Boos mar uu ka hadlayay sida ay xukuumaddu ula dhaqantay kornayl.Caarre mudadii uu duur galka ahaa iyo falalkii qaran dumisnimada ahaa ee uu ku kacay. Waxa uu yidhi “Xaajo nimaan ogeyni indhaha ayuu ka ridaa, waa arrinta Korneyl Caarre, waxaa loo qaatay dawladdu in aanay dulqaad iyo waxqabad midna ka sameyn.

Caarre waxaa la socda nin caaqil ah oo ay isku beel yihiin. Caarre waxa uu ahaa sarkaal ka mid ahaa saraakiisha ciidamada ee Ceerigaabo, haddii uu cabasho qabo oo uu ciidanka ka tegayna waxay ahayd in uu waddadeeda maro.”

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay “dad badan ayaa is weydiiya beelihii ba arrintoodii waa la dhammeeyay ee Caarre arrintiisi maxaa loo dhameyn waayay?

Caarre, waxa uu ahaa nin askariya, beeluhuna beelo shacab ah oo is dilay ayay ahaayeen, ciidankuna shuruuc gaara ayuu leeyahay, Ceel Afweyn ayaanu qabaney, markaa isaga oo meel u dhaw jooga oo gaadhi kaliya wata ciidanka qarankuna iyaga oo waajibaadkooda gudanaya waxay damceen inay qabtaan isaga iyo gaadhigiisaba mar haddii uu noqday nin ciidankii ka fallaagoobay, dawladda oo dulqaad badan muujineysa aadna u daneyneysa inay arrimaha beeluhu dhammaadaan waxay go’aan ku gaadhay inaan isaga iyo gaadhigiisa aan la qabanin, si aanay carqaladi ugu iman nabadeynta beelaha ee loo fadhiyo oo aanay isu dhexgalin arrinkiisa iyo ka beeluhu.”

Wasiir Boos Mire, waxa kale oo uu caddeeyay falal qarandumisnimo ah oo uu ku kacay Caarre, waxaanu yidhi “Caarre iyo ciidankiisa ayaa dilay mid ka mid ah saddexdii qof ee lagu dilay deegaanka Ceeryaan, iyada oo aan aad uga mahad naqayo beeshii dhibtu soo gaadhay oo aad noola qaadatay iyo wasiirka arrimaha gudaha oo beesha ku qanciyay in arrinka Caarre yahay mid Caarre iyo dawladda u dhaxeeya.”

Waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin wax cabsho ah oo marnaba Caarre ka timi oo xukuumadda soo gaadhay “Cabasho uu dariiq u soo maray marnaba soo muu dirin,Caarre waxa uu dhacay mushaharkii ciidanka, ciidankii uu mushaharkooda dhacayna way ka degi wayday ninka halkaa jooga ayaa mushaharkiinii dhacay, waxaanay goosteen in ay ka daba tagaan oo ay tallaabo ka qaadaan, taana waanu ka joojinay annaga oo doonayna in arrinta nabada beelaha aanay ku dhex milmin ta Caarre.

Cabashadu dariiq loo soo maro ayay leedahay ee haddii uu soo maro waa la dhageysan, hase ahaate waxaa ka horreysa ma col baa mise waa nabad. Nabadu markay jirto ayuun baa cabashada la dhageysanayaa,” Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha jamhuuriyadda Somaliland mudane Boos Mire Maxamed.

Leave a Reply