Togdheer: Dugsi Boodhin ah oo Laga Hirgeliyay Degaanka Xayirra

0
271

Burco (Dawan) Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, ayaa shalay xadhiga ka jaray dugsi boodhin ah oo laga hirgeliyay degaanka Xayira oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Dugsigan boodhinka ah oo dhaqaalaha lagu dhisay ay iska soo ururiyeen qurba joogta u dhalatay degaankaasi oo ee ku kala nool dacaladda dunidda oo ah dugsi hoose ayaa ka kooban afar fasal iyo lix qol oo hurdo ah.

Waxaana munaasibaddii xadhiga lagaga jarayay ka soo qayb galay badhasaabka Togdheer, maayarka Burco, cuqaasha degaankaasi, waxgarad iyo marti sharaf kale.

Badhasaabka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarista dugsigan ayaa sheegay in waxyaabihii uu madaxweynuhu bulshadda degaankaasi u ballan qaaday xiligii ololihii doorashadda in ay sidoodii u fulayaan.

Waxaanu badhasaabku u mahad naqay qurba joogta iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta iyo dhismaha dugsigaasi. Waxaanu yidhi “Dadkii dugsigan dhismihiisa ka qayb qaatay, haddii ay qurba joog tahay, haddii ay qol-qol joog tahay iyo dadkii ay fikradoodda ka soo maaxatay ba, waxay qabteen hawl aad iyo aad u wanaagsan, waanan u mahad celinaynaa”.

Xamse Maxamed Cabdi, oo hadalka sii watay ayaa tilmaamay in ka gobol ahaan ay ku dedaalayaan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen waxyaabaha uu dugsigani u baahan yahay, gaar ahaanna qaybta cuntadda.

“Waxaa halkan laga dhawaajiyay in madaxweynaha qaranka Somaliland markii uu musharraxa ahaa in uu ballan qaad idiin sameeyay, aniga oo madaxweynaha ka wakiil ah waxaan idiin sheegayaa in ballan qaadkii uu madaxweynuhu idiin sameeyay sidiisii ayuu u fulayaa, ee taa ku bushaaraysta.

Anagu na ka gobol ahaan, waxaannu ka hawl geli doonaa wixii aanu ku taageeri karno dugsigan iyo waxyaabaha ka qaybyadda ah, gaar ahaan sidii ardaydu ay cunto uga heli lahaayeen” ayuu yidhi badhasaabka Togdheer.

Aamina Daahir Maxamuud, oo ku hadlaysay afka qruba joogta bixiyay dhismaha dugsigaasi ayaa sharraxaad ka bixisay qaybaha uu ka kooban yahay dugsigaasi iyada oo baaq na u dirtay xukuumadda gaar ahaana wasaaradda waxbarashadda.

Aamina iyada oo arrimahaasi ka hadlaysay na waxay tidhi “Aniga oo ku hadlaya afka qurba joogta dugsigan hirgeliyay, ee ku kala nool dunidda dacaladeedda iyo guddiga masuulka ka ahayd dhismaha dugsigan ee jooga gobolka Togdheer ee u dhashay degaankan Xayira.

Dugsigan waxaa maanta inoo furan lix qol oo hurdo ah iyo afar fasal oo ardaydu wax ku dhiganayaan iyo hoolkii weynaa ee cuntadda.

Dugsigani ma laha dayr, markaa waxaannu jeclaan lahayn ciddii wax nala qaban karta ee farriintayadu gaadho, oo madaxweynaha dalku ugu horreeyo, wasaaradda waxbarashadu ku xigto iyo cid kasta oo gacan ka gaysan kartaba in la nala dedaallo, anaguna waannu dedaalaynaa”.

Sidoo kale maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, oo isna halkaas ka hadlay ayaa caddeeyay in ka dawlad hoose ahaan wixii ay hore u ballan qaadeen ay bixinayaan.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Qurba joogta iyo ciddii kale ee dhismaha dugsigan wax ku darsatay ba, ammaan ayay mudan yihiin. Anaguna wixii aannu ku ballan qaadnay waannu bixinaynaa”.

Geesta kale boqor Saleebaan Cabdillaahi Xandule Gaacir, oo ka mida madax dhaqameedka degaanka Xayirra ayaa uga mahad celiyay qurbe joogta degaankaasi hirgelinta dugsigani. Waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa qurbe joogta hirgleiyay dugsigan. Cidda imika looga baahan yahay in ay ka qayb qaadatana dawladda ayaa koow ka ah.”

 

Leave a Reply