Xaglotoosiye oo Tilmaamay in uu la Dhacsan Yahay Siyaasadda KULMIYE

0
272

Hargaysa (Dawan) Wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa sheegay in aanu ka leexan xisbiga Kulmiye oo uu ka tirsan yahay, isla markaana la dhacsan yahay siyaasaada xisbigiisa oo uu taageero weyn u hayo.

Saleebaan Ciise Axmed oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aanay khasab ahayn in uu mar walba xil hayo, balse uu xilku meerto yahay, waxaana uu intaasi ku daray in uu ka qayb qaadanayo horumarka dalka wixii kaga soo gudboonaada, isla markaana uu leeyahay han siyaasadeed oo gaadhsiisan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ba.

Salleebaan Xaglotoosiye isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haddii aanan ka tirsanany xukuumadda talada haysa, macnaheedu maaha in aanu kala leexanay. Muwaadin reer Somaliland ah ayaan ahay, mar walba wixii waajib iga saaranyahay ee waddanka horumarkiisa ah waan ka qayb qaadanayaa.

Xisbiga Kulmiye wasiirnimadii ayaan kaga mid ahaa, golaha dhexe ee Kulmiye xubinimo buuxda kagama aan mid ahayn golaha dhexe ee xisbiga, markii aan isku sharraxayay madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye waxa aan ahaa xubin ka tirsan golaha dhexe oo digreetro kaga tirsan, markaa kala leexasho ma jirto.”

Wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye waxa uu sheegay in uu taageersan yahay siyaasadda xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye waa xisbiga aan taageero, qasabna maaha in mar walba aan xil hayo, xilkuna waa meerto, han siyaasadeedna waan leeyahay, madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenba waan isku sharraxi haddii Alle ka dhigo. Meeshii ay fursadi ku jirtana waan gali, waxaana aan ahay imika muwaadin shacabkiisa ka mid ah”.

Xaglotoosiye waxa uu sheegay in ay been abuur tahay in uu u sharaxan yahay xilka guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Waxaana uu yidhi “Waa warar beena in aan u sharraxanahay xilka guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, wararkaasi waa kutidhi ku teen iyo barobagaando ujeedo leh. Aniguna maan shaacin in aan u sharraxanahay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, umana sharraxni mana jirto”.

Sidoo kale Xaglotoosiye waxa uu sheegay in la dhaafay wakhtigii la jabhadayn jiray, ciddii wax tabanaysana looga baahan yahay in ay soo bandhigto. Waxaana uu yidhi “Wakhtigan xaadirka ah, looma baahna jabhadan.

Jabahadnimadiina way soo dhamaatay. Caarre waa in uu soo bandhigo wixii uu tabanayo, madaxweynuhuna wixii cabasho ah waa inuu dhagaystaa”.

 

Leave a Reply