Xisbiga UCID oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Koonfurta Sool ku Diriray

0
734

Hargaysa (Dawan):- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhumay oo ka tirsan gobalka Sool. Taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Axmed Xirsi Ducaale oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga ee magaalada Hargaysa, ayaa labada beelood u soo jeediyay in ay dagaalka joojiyaan oo ay nabad qaataan, wixii khilaaf ah ee dhexdooda jirana in ay wada hadal ku dhameeyaan.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Axmed Xirsi Ducaale isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Waxaanu baaq nabadeed u diraynaa labada beelood ee walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay koonfurta gobalka Sool, waxaanan ka tacsiyaynaa intii ku dhimatay. Waxaanan leenahay dhamaanteen ALLE samir iyo iimaan haynaga siiyo, intii ku dhimatay iska hor imaadkaa dhex maray, intii ku dhaawacantayna ALLE caafimaad ha siiyo. Waxaan u soo jeedinaynaa labadaa beelood in sida ugu dhakhsaha badan ay xabada u joojiyaan sidii dhaqanka iyo caadada u ahaan jirtay reer Somaliland, miiska wadahadalka la isugu yimaado ayaan u soo jeedinaynaa labadaa beelood iyo waxgarad kooda”.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here