Wasaaradda Qorshaynta Wareejisay 1.4 Milyan Dollar oo lagu Horumarinayo Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha

0
364

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda qorshaynta qaranka jamhuuriyadda Somaliland, deeq lacageed oo qadarkeedu dhan yahay 1.4 milyan dollar ku wareejisay wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo khayraadka Biyah, lacagtaasi oo loogu talo galay in lagu horumariyo adeegyada cusbitaalada dalka, ceelasha biyaha iyo mashaariic dib loogu dhisayo goobihii waxbarashada ee dhibaatadu ka soo gaadhay duufaantii Sagar.

Sidoo kale, masuuliyiinta wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland, waxay kormeer daba gal iyo qiimayn ah ku sameeyeen qaybo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolada galbeedka Somaliland oo ku salaysan qorshaha horumarinta qaranka ee labaad. Kormeerkan ayaa daba socday qiimayn lagu samaynayo mashaariicda horumarineed ee laga maal galiyo sanduuqa horumarinta Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeedada lacagtan ay ku wareejiyeen saddexda wasaaradood, waxaanu yidhi “Waxaannu si rasmi ah ugu wareejinay wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha, mashaariic dib loogu dhisayo dhamaan goobihii waxbarasho, MCH-yadii/ cusbitaaladii iyo Ceelashii biyaha ee dhamaan goobihii ay masiibadii Sagar haleeshay.

Maal galin dhan $1.4 Milyan dollar oo ay ku deeqday Qaramada Midoobay hay’adeeda UNOCHA, waxaa mashaariicdan fulinaysa Hay’adda Adra.”

Agaasime Cabdirashiid waxa uu sharraxaad ka bixiyay baaxadda khasaaraha ay dalka gaadhsiisay duufaantii Sagar, waxaanu yidhi “Duufaantii Sagar waxay burburisay dhagaalihii bulshadii deegaankaasi, imkaaniyaadkii nololeed; waxbarashadii, caafimaadkii, wadooyinkii iyo deegaankii la manaafacaadsanayay. 53 Qof ayaa ku geeriyooday, waxay saamaysay 900,000 oo qof, waxaa ay baro-kicisay 432 Qoys. Khasaaraha ay lacag ahaan duufaantu sababtay waa adduun dhan 700 Milyan oo u baahan maal galin dhan 210 Milyan si noloshii deegaankaasi dib loogu soo celiyo. Marka laga tago mashruucan hadda bilawga ah, Waxaa iyaguna socda mashaariic kale oo wax ka qabanaya saamayntii ay Sagar keentay.”

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland iyo wefti kale oo uu hoggaaminayo ayaa kormeer dabagal iyo qiimayn ah ku soo marnay qaybo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolada galbeedka Somaliland, kuwaasi oo ku salaysan qorshaha horumarinta qaranka ee labaad. Kaas oo daba socday qiimayn iyo dabagal lagu hubinayo mashaariicda horumarineed ee laga maal galiyo sanduuqa horumarinta Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here